|

Waddanka Japan oo la ciir ciireysa dhulgariir iyo Tsunami

Wararka ka imaanaya cariga Jaban ayaa la sheegayaa in uu waddankaas ku habsatay masiibo rabaani ah, maalinimadii khamiista ayaa waxaa ku dhuftatay dhul gariir qiyaasta cabirkiisu ay gaartay sida la sheegayo 8,7 cabirka lagu cabiro masiibooyinka, kaasoo ay kuu ugu weynaa oo waddankaasi ka dhaca.
xarunta dhexe ee warqabadka,buhodlepost.com
Sanadihii todobaatameeyadii ayaa waddankaas waxaa ka dhacay dhul gariiro ayadoo kii ugu darnaa uu gaaray 7,2. Waqtigaa waxii ka dambeeyay ayaa la sheegayaa in dawladda waddankaasi aad ugu mashquuleen sidii loo heli lahaa qalabka digniinta bixiya, si loo yareeyo wax yeelada dhulgariirka, isla markaana looga hortago. Waddanka Jabaan oo lagu tiriyo waddamada adduunka ugu horeeya teknolojiyada ayaa culumadiisa aqoonta gaarkaa u leh arrimahaani waxay aad ugu mashquulsanaayeen xal u helidda masiibooyinka dabiiciya, hase yeeshee waxaa caddaan ah in awoodda alle aanay jirin cid ka hortegi karta.

Halkaan ka daawo Dhulgariirkii Jabaan

qormadii- Abdirizak Ali Kanee
kaneec1@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo