|

Xulka Wararka Caalamka todobaadka

Masiibada dhulgariir ku dhuftay Japan oo isa sii taraya

Magaalada Sendai ee uu dhulgariirka ku dhuftay

Wakaaladaha wararka Japan ayaa sheegay in 9500 oo qof ay ku sugan yihiin magaalo ay ku dhufteen dhulgariirada ka dhacay dalka Japan taas oo ka go’day dalka Japan inteeda kale kadib markii dhulgariirku saameyn weyn ku yeeshay isgaarsiinta magaaladaas.
Sidoo kale ku dhowaad 300 000 oo qof ayaa guryahooda ka bara kacay halka wararku intaa ku dareen in warshad ku taala dalka Japan oo kuwa sameeyo qunbulada loo yaqaan Nucliyeer ay ku qaraxday halkaas iyada oo ku sii daysay hawada mawjado sun ah taas oo waxyeelo weyn u geysan karta dadka ka dhow deegaankaas iyo guud ahaanba Japan iyo dalalka ku hareereesan.
Waxa lagu qiyaasay tirada dhimasho iyo dhaawac ee dhulgariirka ku dhuftay Japan in ay gaarayso 1700 oo qof kuwaas lagu tuhun sanyahay in ay dhinteen badankood kadib markii raqdoodii la waayay.
Dowlada Japan ayaa wado bara kicin ay ku sameynayso dadka ka dhow deegaanadaas iyada oo wararku sheegayaan in ku dhowaad 300 000 oo qof laga saaray guryahood halka ay dowlada sheegtay in tiro intaas ka badan ay ka saari doonaan guryahooda.
Booliiska ayaa ku qiyaasay tirada dhimashada 637 qof iyaga oo ku sheegay in 653 qof la waysan yahay laakiin guud ahaan tirada waxyeelada dhulgariirka ku dhuftay Japan ayaa ah mid intaa ka badan kadib markii ilaa 200-300 oo qof maydadka dad dhintay ah ay daad sanaayeen magaalada Sendai ee bariga u xigta dalka Japan sidoo kale meydadka 200 oo qof oo kale loo daad gureeyay isbitaal ku yaal magaalada Miyiga oo iyadana ku taal bariga Japan.
3400 oo guri ayaa ka hoos maray dhulka halka baabuur iyo alaabo badan oo fudud ay dul sabeenayaan biya magaalada qaaday, milaayiin guryo ah ayaa koronto la’aan ah, kumanaan kun oo qof ayaa la hayn heybtooda, 3000 oo qof ayaa laga soo bad baadiyay masiibada kadib markii loo fidiyay gar gaar dag dag ah.
=================================================

Kooxaha mucaaradka Xukuumada Col. Qadaafi oo dib u gurasho dagaal bilaabay
Tripoli(RBC)- Falaagooyinka mucaaradka ku ah xukuumada Col. Qadaafi ayaa dib ugarasho ka bilaabay jiida hore ee dagaalada ka socda magaalada saliida hodanka ku ah ee Ras Lanuf. Dagaaladan oo socday maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Ras Lanuf waxaa hore uheystay kooxaha mucaaradka ku ah xukuumada Qadaafi.
Jiida dagaaladu ka socdaan ayaa u dhaxaysa magaalada ay kooxaha kacdoosani gacanta ku hayaan ee Uqaylah iyo Ras Lanuf.
Ras Lanuf oo ay yaalaan haamo badan oo shidaal ka buuxo ayaa waxaa xukuumada Col. Qadaafi ay duqeymo xoog lihi ugu geysatay iska horimaadyadii dhacay Jimcihi iyada oo dowladu dafirtay eedaymahaas.
Balse waxaa si weyn looga arkayay goobaha ay haamuhu yaaleen iyaga oo qarax sameenayay laakiin aanan wax dhibaato ahi wali la soo sheegin walow ay jiraan cabsi laga qabo in guud ahaan magaalada oo dhami u dab qabsado hadii markale duqeymo loo qeysto goobaha ay yaalaan haamahaasi.
Sarkaal watay ciidamada mucaaradka oo lagu magacaabo Col. Bashiir Cabdul Qaadir ayaa u sheegay saxaafada in shacab badan diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaaladan ay kula jiraan xukuumada Col. Qadaafi, isaga oo sidoo kale sheegay in ay si toos ahi oga baxeen jiida dagaalku ka socdo kadib markii ay dhabar jabin ku sameeyeen ciidamo ku soo weeraray diyaaradaha dagaalka ku waas oo duqeymo xoog leh u geystay dhamaan falaagadi ku sugneed jiida hore ee dagaalku ka socday.
=================================================

Sadex dibad baxayaal ah oo ku dhintay mudaharaadyada ka socda Yemen
Sanca(buhodlepost)- Wararka ka imaanaya caasimada Yemen ee Sanca ayaa sheegaya in Ciidamada Yemen ay tacshiirad u geysteen dad weyne isugu soo banaan baxay fagaaraha jaamacada Sanca ee dalka Yemen halkaas oo uu ku dhintey hal qof halka tiro intaas kabadana ay ku dhaawactay.
Ciidamada Yemen ayaa ah kuwa aad ugu dhow dharcada sirdoonka Mareykanka ee dhanka la dagaalanka argagaxisada ku sugan gudaha Yemen. Xukuumada Sanca oo ka hadlaysa arintan ayaa dafirtay in aysan jirin wax tacshiirad ah oo ciidamadu u geysteen shacabka Yemen.
Askari kale ayaa lagu soo eedeeyay in uu meel fog ka toogtay mid ka mid ah dibad baxayaasha goor uu hor boodayay koox isku abaabulay in ayka bilaabaan goobtaasi dibad bax hor leh.
Rabshadaan ayaa xigtay kadib markii shalay 14 qof oo ka qeyb galaysay dibad baxyada ka socda Yemen ay ku dhaawacmeen tacshiirad ciidamada Yemen ku fureen si ay ukala cayriyaan dadka isugu soo baxay wadooyinka ku dhow dhow jaamacada Sanca.
Guud ahaan mudaharaadyada ka socda caasimada ayaa ah kuwa wata qasaaro leh maal iyo nafba halka wararku mar hore sheegayaan in ugu yaraan 30 qof ay ku dhaawacmeen kadib markii si toos xukuumadu si u tacshiiradaysay halka boqolaal qof ay la jiifaan dhibaatooyin ka soo gaaray sunta dadka ka ilmeysiisa taas oo looga shaki qabo in ay sumeysay hawada ay dadku ku neefsanayeen.
==================================================

Qoys ka kooban 5 qof oo lagu dilay toorey goor ay jiifeen
West Bank(buhodlepost)- Booliiska Israel ayaa sheegtay subaxii sabtida in qoys ka kooban hooyo, aabe iyo sadex ciyaal oo ay dhaleen oo meyd ah kadib markii lagu tooreeyay gurigooda oo ku yeel West Bank.
Booliiska ayaa sheegay in habeenki Jimcaha lagu soo qaaday qoyskaan weerar goor ay jiifeen gurigooda halkaas oo dhamaantood lagu dilay toorey. 3da ciyaal ee qoyskaan ayaa da’ dooda u dhaxeysa 11 jir ilaa iyo mid ugu yar oo jira dhowr bilood. Booliiska ayaa ku tilmaamay danbiilaha dilkaan geystay in uu yahay argagaxiso ka yimid dhanka dhulka Falastiin.
Mid ka mid ah Booliiskii ugu horeeyay ee guriga galay ayaa sheegay in qolki ugu horeeyay ee uu galo uu ku arkay ilmo yar oo jira hal bil, hooyadiis oo agtaal iyo aabahiis oo kuwada jiifay sariir weyn halkaas oo ku ligood loo geystay tooreeyo badan, kuligood waxa ay ahaayeen kuwa dhintay xiliga booliisku soo galay guriga.
Qolkii labaad ayuu sheegay askarigan in uu kula kulmay wiil jira 11 sano oo naftu ka sii baxayso, jirkiisana ay ku yaaleen dhaawaca tooreeyo badan. Ugu danbeytii waxaa uu u sii gudbay qolka sadexaad oo uu yaalay wiil jira 3 sano oo naftu ku jirta kadib markii meelo badan looga dhuftay tooreyda, laba daqiiqo kadib ayay naftu ka baxday kadib markii askartu isku dayday in ay badbaadiyaan.
Falkan dilka ayaa ah kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah balse ay xukuumadu sheegtay in ay ku howl jirto sidii ay ku soo qaban lahayd danbiilihii sameeyay dilkaas.
=================================================
Xulka Wararka Caalamka

isha wararka ee buhodlepost,com

Fikrad Ka Dhiibo