|

maxaa ka socda Kalshaale iyo Buuhoodle warbixin ayaa idinka haynaa

Waxaa magaalada Buuhoodle ka socda dhaqdhaqaaqyo iska horjeeda oo ay wadaan kooxo kala duwa oo Reer Buuhoodle ah,maalmihii ugu dambeeyey waxaan magaalada Buuhoodle xidhiidh aan kala go’lahayn la samaynayey maamulka Siilaanyo xidhiidhkaas oo ku qotamay sidii uu maamulkaasi u heli lahaa dad kala shaqeeya arimaha Buuhoodle isagoo u sheegay dad si hoose ula shaqaynayey inuu ciidankiisu ka bixidoono aaga Kalshaale uuna u baahanyahay dad goobjoog ka noqda soona indha indheeya aasitaanka baragaha kashaale.

Sikastaba ha ahaato ee wuxuu ku guulaystay siilaanyo inuu helo dad la shaqeeya ugu dambaytiina waxaa magaalada Buuhoodle ka baxay kooxihii lagu tuhmayey la shaqaynta Siilaanyo,kooxdaas oo goordambe la ogaaday in ay u ambabaxeen dhinaca Kalshaale ayaa laga dabo diray odayaal kale oo soo xaqiijiya arinta ay u tageen meesha ,waxaana goobtii isugu yimid sedex wefti oo labana ka timid Buuhoodle midna dhanka Soomaalidiidka ka yimid, labada wefti ee Reer Buuhoodle oo aan isku mawqif ahayn ayaa goobtii isugu yimid.

Labada wefti waxaa kala hogaaminayey
Maxamed Saleebaan iyo Caaqil Hindi Maxamed Aadan,sida la xaqiijinayo waxaa si hoose ula shaqaynayey maamulka Somaliland rag lagu sheegay in ay kala ahaayeen.
1 Maxamed Sulayman Aadan Colaad
2 Shiikh Cumar Shiikh Cismaan
3 Sulaymaan Faaraxdhuuhe
4 Axmed Cawil Bacaluul

Odayaasha kale ee ka dabo tagay waxay kala ahaayeen
1 Caaqil Hindi Maxamed Aadan
2 Axmed Siciid Aayir
3 Mataan Yuusuf Cabdi (dhidar)
4 Yuusuf Maxamed Xasan Faarax

Kooxahaas oo kala feker ahaa ayaa isugu tagay goobta Kalshaale waxaana halkaa si wada jir ah ay ugu la kulmeen weftidii Siilaanyo ka soo diray Hargaysa,waxaana halkaa hadalo ka jeediyey odayaal ka kooban labadii garab Maxamed Sulaymaan ayaa carabaabay in xaaladu aad u wanaagsan tahay isla markaana ay ku dadaalayaan nabada,dhanka kale Caaqil Hindi oo goobaas ka hadlay ayaa xusay in ciidankan goobta jooga uu yahay kii dadkooda xasuuqa u gaystay ilaa laga saarana aysan wax wada hadal ahi galayn.

Xubnihii Siilaanyo soo diray ayaa iyaguna halkaa ka sheegay in ciidanku mudo labo casho ah ku baxayo,waxaana Idaacada BBC sida waraysi siiyey Axmed cawil waraysigaa oo ka cadhaysiisay dadweynihii Buuhoodle,ka dib markii labada wefti ay dib ugu soo laabteen magaalada Buuhoodle waxaa shir isugu baxay wax garadka Buuhoodle waxaan halkaa su’aalo lagu waydiiyey Axmed Cawil sababta keentay inuu warbaahinta sidaa ula hadlo iyo cida u wakiilatayba,Axmed Cawil oo aan garaysan arintaa iyo Axmed Siciid Aayir ayaa madashii shirka isku gacan saaray,waxaana xidhmay shirkii.

Xaalada Buuhoodle ayaad moodaan in uu ku jiro gariir iyadoo aan laga gaashaaman arinta Siilaanyo ee ku saabsan wada hadalka iyo ka bixitaanka ciidankiisa, waxaase dadku isku raacsanyahay in aan wax wada hadal lala furi Karin maamulka Siilaanyo ilaa ay ka baxaan dhulka Gobalka Cayn,waxaana dad faro ku tiris ah oo quudaraynaya in ay dad ka Buuhoodle iyo Siilaanyo u wado wadeeyaan si uga fushadaan hawl daneedkooda gaarka ah.

By Abdirahman A.Ahmed

Fikrad Ka Dhiibo