Northern Somali Unionist Movement (NSUM) Warmurtiyeed 12 March 2011
Dhaaxo ayaynu u baranay rag iska socda oo sheeganaya magaca buslshada oo shirar la yeelanaaya Somaalidiidka iyo beelahooda go’aano aan loo dirsan ama lala ogain ama loo dhamayn iskala gelaaya. Maanta ayaa hadana ay ka dhacday Kalshaale. Habar Jeclooy Musa Waa kaa. Wafdiga Kalshaale aaday maalintii Jimcaha ee 11 bisha March ma reer Buuhoodle yaa dirsaday, ma iyagaa is diray, misse Somaliland baa dalbatay? Tan danbe ayaa ay u egtahay.
Sida ay Jimcihii ku warrantay Laanta Afsoomaaliga ee BBCda, waxaa yimid Kalshaale wafdi sheeganaaya in ay reer Buuhoodle ka socdaan oo u yimid Kalshaale in ay soo xaqiijaan in baraagihii laga qoday Kalshaale la aasay. Axmed Cawil Bacaluul, oo BBCda u sheegay in uu yahay afhayeenka wafdiga ayaa sheegay in ay ku qanceen in baraagihii la aasay, oo raaciyay in ay diyaar u yihiin in beesha bariga Burco la xaajoodaan mar hadii baraagihii dhibtu ka taagnayd la aasay. Afhayeenka kadib, waxaa hadalkii qaatay Cismaan Garaad Sofeh, oo ka mid ah raga ka tirsan Somaalidiidka oo isaga iyo rag uu ku jiraa loogu soo diray Qorulugud iyo Kalshaale in ay midnimada iyo halganka reer Buuhoodle kale furfuraan, meel kasta iyo khidad kasta ha u soo mareene.
Xubnaha ka yimid Buuhoodle ee sheeganaya in ay ka wakiil yihiin bulshada Buuhoodle waxaa ka mid ah:
1. Maxamed Saleebaan
2.Caaqil Hindi Maxamad Adan Caws
3 Sheekh Cumar Sheekh Cisman
4.Xaaji Saleebaan Faarax Dhuule
5. Cabdirassaq Saleebaan
6.Axmed Saciid Caayer
7.Mattan Didir
8.Axmed Cawil Bacaluul oo afhayeenkooda ah
Sida ka cad hadalka afhayeenka, dhibta ka dhaxaysa gobalada SSC iyo Somalidiika in ay ku koobantahay laba baraago. Masoo qaadin ciidanka Somalidiidka ee weli jooga Kalshaale. Xitaa hadiiba ay run noqoto in baraagihii la aasay dee beriba waa la qodi doonaa in allaale inta ciidanka Somaalidiidku meel ka joogo gobolka Cayn iyo gobolada kale ee SSC ah. Waxa la iswaydiinayaa nimakan wefdiga sheeganaya ee aad moodo in ay ku qanceen wixii la tusay ma arkaan khiddada arintan ka danbaysa misse waa arkaane waa u badheedheen danbaana ay ka leeyiin?
Ciidanka Somaalidiidku weli Kalshaale ayuu joogaa. Xitaa hadii uu ka baxo oo tego meel kale oo ka mid ah gobolka Cayn, amase meel kale oo SSC ah, wax is bedelay ma jiraan, macnaheeduna maaha in Buuhoodle ay nabd ku seexanayso. Meel kasta oo ciidanka Somaalidiidku ay ka tagaan SSC, waa kuwii ku soo noqda Cayn oo dagaal culus ku soo qaada Buuhoodle marka ay arkaan in difaaca reer Buuhoodle kala daadsanyahay oo dagaalyahankiisii kala tegay. Inta ay u rubakhayaan waa intaas, inta ka horaysana waxaa lagu seexinayaa reer Buuhoodle afmacaan iyo sheeko sheeko.
Somalidiidku iyo beelohoodu waa u barteen shirar ay ugu yeedhaan wafdiyo ka socda reer Buuhoodle oo markasta la shidaaradeeyo oo aad moodid in aan daris midna laga baran. Shirkii Qorulugud bay ahayd; Shirkii Maygaagle ayay ahayd; Maantana waa Kalshaale oo waxa kasoo baxay ay meel kadhac ku tahay shacabka Cayn, iyo geesiyaashii, iyo mujaahidiintii naftoodii u huray difaaca Cayn iyo SSC in maanta Somaalidiidku laga yeelo waxay dagaal ku wayday. Dagaal oo ciidamada Somaalidiidku lagaga SSC oo dhan aro mooyaane ma baxayaan. Maxay markaa tartay laba baraago ayaa la aasay?
Shacabka reer Buuhoodle iyo SSC guud ahaanba nabadda waa jecelyihiin. Nabad dhex marta SSC iyo Somaalidiidka waxay imaan kartaa oo keliya marka Siilaanyo ciidamadiisa kala boxo SSC. Talo dagaal iyo nabad waa in ay qayb wayn ku lahaadaan madaxda mujaahidiinta jiidda dagaalka jooga iyo wax garadka iyo isimaduba ee ayna iska goosan dad aan shacbiga Buuhoodle soo wakiilan. Wafdi la diraayo ogolaanshu ha ka haysto isimada iyo madaxda mujaahidiinta. Hashiis la gelaayo, tixgelin haka haysto waxgaradka iyo ururada SSC. Nidaam ha lagu socdo. Ha dhamaado is barbaryaaca iyo isdirka aan cidin wakiilan..
Gudida Fulinta NSUM
War-murtiyeedkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii odayaal Reer Buuhoodle ahi ay dhawaan booqashu ku tageen baraagihii laga qoday kalshaale oo Maamulka Somaliland Aasay ka dib dhimasho boqolaal qof oo Soomaali ah,odayaashan gaadhay goobta kalshaale ayaa warbaahinta u sheegay in meeshaas gabi ahaanba la’aasay iyagoo isla goobta ka sheegay inaan wali shuruudihii nabadu xidhmin ilaa ciidanka Soomaalidiidka baxo goobaha uu ka ga jiro Gobalka Cayn,odayaasha goobtaas tagay ayaa laga soo diray magaalada Buuhoodle laakiin bulshada Gobalka Cayn ayaa ka xumaaday ka dib markii ay arkeen Max’ed Saleebaan oo goobta ka hadlaya,Max’ed Saleebaan Aadab waa ninkii bilo ka hor isaga oo jooga magaalada Hargaysa BBC sida u sheegay inuu joogo Buuhoodle islamarkaana reer Buuhoodle uu taageersanyahay maamulka Siilaanyo,sanad 2006 ayeyna ahayd markii uu Maxamed Saleebaan ka daba hadlay Issim soo dhawaynayey madaxweyne Cade Muuse oo markaa doonayey inuu booqasho ku yimaado Gobalka Cayn.
By Abdirahman Ahmed Aden