Dagaal Khasaare Geystay Oo Saakay Ka Dhacay Muqdisho
Dagaal ay ku dhinteen 4-qof oo shacab ah inta la ogyahay ayna ku dhaawacmeen shan qof oo kale ayaa saakay ku dhexmaray jidka warshadaha iyo isbitaalka milateriga ee Muqdisho DKMG ah, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Dagaalka ayaa qarxay markii ay xoogagga Xarrakatul Shabaab weerarro qorsheysan ku qaadeen wasaaraddii hore ee gaashaandhigga oo bishii hore laga qabsaday iyo isbitaalka xoogga oo ay saldhiyo ku leeyihiin ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.
Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kala gaaray, ayaa haddana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa goobihii ay joogeen ugu tagay madaafiic iyo rasaasta ay dhinacyadu is-dhaafsanayeen.
Goobjooge ku sugan qaybta qudaarta ee suuqa Bakaaraha ayaa saxaafadda u sheegay inuu arkay dhaawacyada shan qof oo mid ka mid ah uu aad u darnaa, kaddib markii ay suuqaas madaafiic dhowr ah ku dhacday.
Labada qof ee dhintay ayaa waxaa dilay rasaasta ka dhacda qoryaha lidka diyaaradaha ee ay ciidamada dagaalamaya adeegsanayeen intii uu dagaalkoodu socday, waxaana labadaas qof ay ka mid ahaayeen dadka daggan guryo ku dhow halka lagu dagaalamay.
DKMG ah, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab ayaan ka hadlin dagaalkii saakay ku dhexmaray Muqdisho, inkastoo uu qaboobay saacad kaddib, waxaana haatan laga maqlayaa goobihii lagu dagaalamay rasaas goos-goos ah oo mararka qaarkood ka dhacaysa.
www.buhoflepost.com