Dagaalo iyo madaafiic caawa ka bilowday degmada Beled-xaawo.
uqdisho,cisaleey,14.Mar.2011:War deg deg ah oo goor dhoweyd na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlusuna oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka qarxay degmadaas, kadib markii labo jiho ka soo weerareen Shabaab.
Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in dagaalka uu hada socdo in ku dhow nusa saac, iyadoo uu bilowday abaarihii 9:30, waxaana degmada qeybaheeda kala duwan laga maqlayaa madaafiicda noocyadooda kala duwan.
Shabaabka ayaa la sheegay in dagaalka ay qaadeen, kadib markii ciidamo fara badan oo gurmad oo maalmahan ku diyaarinayeen duleedka degmadaas uga yimaaden dhanka Jubooyinka.
Ma cada qasaaraha dagaalka uu geysanayo, inkastoo dagaalka wali socdo ayaa hadana jirin wax faah faahin ah oo labada dhinac aan laga heli karin.
Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Al-Shabaab laga fara maroojiyay gacan ku heynta degmada Beled-xaawo, kadib markii dagaalo culus ku soo qaadeen ciidamada dowladda oo wehliya kuwa Ahlusuna.