War Dag Dag ah Koox hubaysan oo aan la aqoon ayaa caawa rasaas oodda kaga qaaday gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool ee maamulka Somaliland.
Ninkan oo magaciisa la odhan jiray Axmed Salebaan Cabdille (Abgaaloow) ayaa la sheegay in dhaawac culusi kasoo gaadhay rasaastaas.
Warar horudhac ah ayaa sheegay in isagoo aad u liita loola cararay dhinaca magaalada Burco.
Gudoomiyaha ayaa la sheegay in xabada lagu furay isagoo markaas kasoo baxay Masjid Jaamaca Magaalada Laascaanood. Kooxdii dablayda ahayd ayaa goobtii ka baxsaday kadib markii ay rasaas faro badan kor u rideen oo dadkii ku kala direen
Waxaa goobtii soo gaadhay ciidamo tira badan, kuwaas oo rasaas ooda uga qaaday goobaha ganacsiga oo gabi ahaanba joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.
Gudoomiyaha Maxkamada oo magaalada Laascaanood joogay tan iyo intii maamulka Somaliland gacanta ku dhigay ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolka Togdheer dhinaca Bariga Burco dilalka qorshayn ee lala beegsanayo masuulyiinta maamulka Somaliland ayaa hada faraha kasii baxaya waxa shacabka Rer Laascanood ayaa cabsi xoog badan ka muujinaya dhacdooyinkan is daba socda waxa dad badani eeda faldanbiyeedkaa dusha uga tuuraan ciidamada maamulka Somaliland ee xooga ku hyasta magalada Laascanood
wixii warar ah kasoo kordha kala soco www.buhodlepost,com