|

War deg deg ah kayse cabdi yusuf oo isu dhiibay somaliland

Waxaa manta Magaalada Oog iska xaadiriyey kayse cabdi yusuf iyo ciidan gaadhaya 20 askari oo uu horkacayo kayse oo ka mid ahaa taliyayaashii ciidanka cali sabarey.

Kayse Cabdi yuusuf ayaa dhawanahanba ku sugnaa deegaanka Geeddheer ee duleedka Dagmada widhwidh isagoo halkaa ku qaabilayey waftiyo badan oo kasoo kicitimay xarunta Soomaalidiidka ee Hargaysa, arintaa oo keentay kala shaki soo dhex galay Beesha Guuleed Garaad (Barkad) kadib markii dhalinro Aano qabiil ka dhexayso Beelaha Isaaqa ay u dulqaadanwayeen waftiyadan galaa baxaya aaga Geed dheer iyagoo u qaatay in Kayse basaasaso Geel ay hore uga soo kaxaysteen Beelaha Isaaqa ee ninka dilay.

arintaa ayaa dhalisay in dhalinyaro hubaysani weerar ku qaado Guri ku yalaa tuulada Geed dheer oo markaa shir uga socday qaybo kamida odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Kayse Cabdi yuusuf iyo wafti ka socday maamulka Somaliland waxaana halkaa ka dhacay is rasasayn dhexmartay ilaalada Kayse iyo dhalinyaradii weerarka soo qaaday,

israsaasayntaas oo sababtay burbur Gaadiid yaalay banaan ka guriga. hadaba waxaa manta hal mar laga war helay in Kayse cabdi yuusuf oo wata 1 Gadiid dagaalka ah uu tagay tuulada Oog, kayse Cabdi yuusuf oo lagu eedeeyey inuu basaas u ahaa maamulka Somaliland intii u socday dagaalkii Gobolka Cayn ayey cadaatay inuu ahaa basaas u adeegaya Somaliland,

ilaa hada ma cada mowqafka dhabta ah ee ay ka qaadan doonan arintan wax Garadka Beesha Guuleed Garaad,

galitaanka kayse Cabdi yuusuf ayaan la filayn inuu wax saamayn ah ku yeelan doono difaaca iyo isku duubnanta bulshada Gobolka Cayn, dadweynaha Reer Buuhoodle ayaa iswaydiinaya goorta uu ka daba tagi doono Cali Sabarey saaxiibkii Kayse Cabdi Yuusuf.

buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo