|

Golaha Amaanka QM oo ku baaqay in Soomaaliya la mideeyo islamarkaana hab u socodka Siyaasada waddanka wax laga bedelo

golaha Ammaanka ee QM ayaa Kulan balaadhan oo ay ka yeesheen xaaladda wadanka Soomaaliya waxay ka soo saareen go’aano farabadan isagoo golaha ammaanku ugu baaqay Dawladda TFGda Soomaaliya in mudada u hadhay ee ku beegan Bisha August ay ku soo diyaariyaan Dastuur Qarran oo Dalka Soomaaliya oo dhan qaybaha ka jira lagu midaynayo, Kulankaas ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay yeesheen ayaa waxaa hadal ka jeediyey qaarka mind ah safiiradda 15 ka dawladood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka kooban yihiin, waxaa sidoo kale hadal dheer ka jeediyey Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-moon iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed oo isagu shirka Soomaliya u matalayey.

Xubnaha shirka fadhiyey oo kala ahaa 15 xubnood ee uu ka koobanyahay golaha Amaanka iyo dawlada kale Ugu horayn shirka waxaa la soo hor dhigay warbixin uu soo diyaariyey Wakiilka Xoghaha guud ee Qaramad Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga waxaana madasha furay Guddoomiyaha golaha ammaanka oo ah Safiirka golaha ammaanka u fadhiya dalka Shiinaha oo bishani isagu ah shir guddoonka golaha Ammaanka Ambassador Li Baodong, Safiirku wuxuu golaha hortiisa ka akhriyey Warbixin dheer oo ku riixaysa ama ku cadaadinaysa Nidaamka Dawladda Ku Meel Gaadhka ah ee Soomaaliya inay balaadhiso siyaasada dibu heshiisiinta iyo isku keenista Soomaaliya isagoo Ambassador Li Baodong ku nuux nuuxsaday in taasi lagu heli karo iyadoo masuuliyadda koobaad ee TFG-du ay tahay inay diyaariso Dastuurkii Soomaaliya kaga bixi lahayd nidaamka ku meel gaadhka isla markaana wuxuu usoo jeediyey TFG-du inay diyaariso qorshayal wax ku ool ah oo wax lagaga qabanayo baahiyaha dhaqaale ee dadka soomaalida haysta.

Warbixintani Uu Ambassador Li Baodong akhriyey oo ka koobnayd ugu yaraan 145 page ,, Warbixinta Waxaa lagu sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu taageersanyahay dedaalkii dibu heshiisneed ee ka bilaabmay dalka Jibouti sannadkii 2009-dii kaasi oo lagu soo dhisay dawladda TFG-da.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu usoo jeediyey xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay taageeraan dedaalka dalalka Midawga Afrika ay doonayaan inay Soomaaliya ka bad baadiyaan kooxaha xagjirka ah, waxaana warbixintu soo jeedisay in golahu taageero dhaqaale iyo mid militeryba u fidiyo Ciidamadda AMISOM iyo kuwa TFG-da, Golaha Ammaanku wuxuu soo jeediyey in la dardar geliyo in ammaanka Dalka Soomaaliya uu gacanta usoo gallo nidaama Dawladda TFG-da inta ka horaysa wakhtiga uu xilku kaga egyahay bisha August.

Golaha Ammanku wuxuu soo jeedinaya in dadka Soomalida ah ee Abaartu Saamaysay la gacan siiyo wuxuna golahu usoo jeedinaya xubnaha qaramada midoobay inay gacan dhaqaale iyo mid gargaarba la soo gaadhaan dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ba’an iyo collaadahu saameeyeen, waxaana golaha ammaanka ee Qaramada midoobay soo jeediyey in la kordhiyo dhaqaalahii gargaarka loo siin jiray dadka Soomaalida.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay wuxuu si qoto dheer uga dooday xaaladda ammaan darro ee Xeebaha Dalka Soomaaliya iyo saamaynta ay bulshada caalamka ku leedahay Falalka budhcad badeeda ee ka dilaacay xeebaha dalka Soomaaliya, golaha ammaanku wuxuu si adag u cambaaraynaya falalka budhcad badeeda oo ay sabab u tahay ammaan la’aanta iyo kala danbaynta sharciga oo Soomaaliya aan ka jirin, waxaana golaha ammaanku soo jeedinaya in xal cad laga qaato budhcad badeeda oo khatar ba’an ku haysa isku socodka marinka gacanka cadmeed.

Waxaa sidoo kale Hadal dheer Madasha golaha ammaanka ka jeediyey Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-moon oo ka waramay horumarka ay dawladda TFG-du ka samaysay dhinaca ammaanka isagoo sheegay in bishii ugu danbaysay ay Ciidamadda AMISOM iyo dawladda TFG-du tallaabooyin dhinaca ammaanka lagu sugayo ay kor u qaadeen isagoo sheegay in ay ciidamadda AMISOM iyo kuwa TFG-du gacanta ku dhigeen goobo muhiim ah oo ka tirsan gobolada iyo weliba caasimadda Muqdisho, Wuxuuna Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay soo jeediyey in gacan dhaqaale iyo mid saad iyo mid dhinaca isgaadhsiinta ahba loo fidiyo ciidamadda AMISOM oo uu xoghayaha guud aad u amaanay.

Dhinaca kalana Raiisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo isaguna kulankaasi golaha ammaanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay dedaalka iyo muhiimadda ay ciidamadda AMISOM ugu fadhiyaan jiritaanka iyo bad baadinta Soomaaliya ay tahay mid aad u weyn, wuxuu Farmaajo xusay in TFG-da iyo AMISOM ay iyagoo is bar bar taagan la dagaalamayaan dad ku tilmaamay Wasiirku Cadaw laba daan leh, Wasiirku wuxuu sheegay in ay dawladdiisu ku jirto qorshe dhamaystiran oo ah qorshe 100 maalmood ah oo lagu soo celinayo kala danbayntii iyo ammaankii dalka Soomaaliya, Wasiirku wuxuu golaha ammaanka usoo jeediyey inay gacan ka siiyaan la dagaalanka budhcad badeeda iyo weliba kooxaha uu ku tilmaamay canaasiir xagjir ah oo caadaystay inay dhiiga dadka Soomaalida xallaalaystaan wuxuuna sheegay in ay ka dhigi doonaan doonaan wuxuu ku tilmaamay yididiladooda ay ku doonayaan in ay ku xasilyaan dhulka Soomaaliya.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Ergayga midawga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr Boubacar Diarra,Safiirka Jarmalka u fadhiya golaha ammaanka,, Safiirka Talyaaniga u fadhiya golaha ammaanka, Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain iyo weliba,Safiirka maraykanka u qaabilsan Qaramada midoobay Ambassador Susana Rice.

ugu danbayntiina Waxaa laga codsaday Dawladda TFG-du inay soo diyaariso Dastuurkii midayn lahaa Soomaaliya, waxaana si qoto dheer uga hadlay shirkaa Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain oo hoosta ka xariiqay in shir dhawaan ka dhacay dalka Ingiriiska oo lagaga hadlayay arrinta Soomaaliya oo ay ka soo qayb galleen qaybaha maamullada Soomaaliya isida Puntland ,Somaliland iyo Galmudug horumar la taaban karo lagaga gaadhay sidii soomaaliya dib loogu midayn lahaa
Safiirka Talyaaniga CESARE MARIA RAGAGLINI oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in meelaha maamulladu ay jiraan ee aan gacanta Alshabaab ku dhicin la siiyo deeqo dheeraad ah waxaa isna hadal wax ku ool ah golaha ka jeediyey safiirka waddanka japan u fadhiya Golaha Amaanka Amb. TSUNEO NISHIDA isagoo si qoto dheer uga hadlay hanaanka horumarka sidyaasada Soomaliya oo uu sheegay in uu gaabisyahay,isaga oo si gaar ah u xusay dib u dhaca ku yimid Dastuurkii waddanku yeelanlahaa iyo khilaafkii soo kala dhexgalay Puntland iyo TFG oo ay Puntland Bayaanka ka soo saartay wuxuu soo jeediyey in TFG ay dhamays tirto arimaha siyaasadeed ee u dhiman inta uusan dhamaan xiliga u hadhay iaydoo uu sheegay in ay TFG soo dhamaystiro Dastuurkii qabyada ahaa iyo waliba la tashiga kooxaha ku lug ta leh Siyaasada Soomaaliya sida Puntland ,Somaliland iyo waliba Qabaailaadka buu yidhi wuxuu kale oo sheegay Amb. TSUNEO NISHIDA in waddanka Japanku ka qayb qaadan doon dhimaha awooda wadanka Somalia iyo horumarta xooga police ka Soomaaliya isagooo sheegay ay Japanku bixin doonaan Lacag gaadhaysa $10 million oo la marin doono united nation SSI trust fund, islamarkaana tababar loogu furidoono 500 oo saraakiil Police ka Soomaaliya ah oo waddanka Djibouti tababar uga Furmidoono.
Shirkan ayaa ka duwanaa shirankii hore iyadoo wadamada badankoodu ku nuuxnuuxsanayeen midnimada Soomaaliya iyo sidii loo xaqiijin lahaa taas oo aad moodo in wadamadu ay meesha kaga saarayaan sheegashada Jamuuriyada Hargaysa oo baryahan dambe ku riyaaqaysay in la ictiraafi doono oo ay shirkii London kaga qayb galeen heer maqaam la mid ah dawladah Kenya iyo Ethiopia taas wasiirka Africa u qaabilsan Britain uu goobta ka cadeeyey wixii shirkaa ka soo baxay.
Si kastaba ha ahaato ee waxaana wali meesha ka bixin kooxdii Ethiopia ay jeebka ku wadatay ee Ehlu suna waljameeca oo aan iyada loo aqoonsanayn maamul laakiin loo aqoonsanyahay koox la mid ah hogaamiye kooxeedyadii baaba’ay.

By Abdirahman H.Ahmed Aden

Fikrad Ka Dhiibo