|

Dad Farabadan Oo Saacadihii La Soo Dhaafay Lagu Xiray Magalada Laascaano

Wararka ka imanaya Magalad Laascano ee Xarunta Gobolka sool ayaa sheegay in Howlgalo baaxad leh ka socdan Magaladasi Kuwaasi oo Ay Wadaan Ciidamada mamaulka Somaliland.ee xooga ku haysa halkaasi
Howlagaladani aya si Isku Mid ah waxaa ay uga soconayaan Xaafadaha iyo Faras Magalaha Magalada Laascaano waxaana sida wararka ay sheegayan Halkaasi Lagu xiray dad Farabadan oo Loo xiray sababo La xirira sargaal dhawaan Lagu Dilay Laascano.
Wariye Ku Sugan Laascaano oo Magaciisa ka Gaabsaday ayaa Buhodlepost u Sheegay in ay Jiraan Maanta dad Laga xirayay Goobaha Maqaayadaha lagu SHaaho iyo Goobaha kale ee Ganacsi Ku Yaala Bartamaha Magalada Laascano.
Sidoo kale Wariyahani aya xaqiijiyay in Howlgalada Ay Xoogeysteen Ka dib Markii dhawaan Gudaha Laascano Lagud dilay Gudoomiyihii Maxkamada Laascaano.oo dhalasho ahaan kasoo jeeday magalada Burco
Waxaana ciidamda SNM ee jooga Laascaanoo ay Baarayaan Hotelada ay dagan Yihiin dadka socotada ah ee Ku Hakanaya Magalada Laascaano Arimaha Baaritaanada ayaa sii socon doona Waxaana Muhiimda baaritaanada ay Tahay Sida Taliska Ciidamda Laascaano ee dhinaca Somalialand ay sheegen in La helo dadka ka danbeyay dilalka ka dhacaya Magaladasi Xiliyada Habeenki ah. isku soo wada duuduuboo ciidamada maamulka somaliland aya gabood fal ka geysanaya magalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa magalada lagu dhex arkayaa gaadiidka gaashaman oo rasas aan loo mel dayeyn ku ridaya meheradaha ku hareeraysan laamiga

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo