|

Dawlada Mareykanka oo Markale Sheegtay inay ka Niyad jabtay Waqti Kordhintii Barlamanka KMG isu Sameeyey

Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Johnie Carson ayaa sheegay in dawlada Mareykanka ay ka niyad jabtay qaabka xildhibaanada barlamanka KMG ee Soomaaliya ugu adkeynsanayaan waqti kordhintii mudada saddexda sano ahayd.
“Waxaanu ka walaacsanahay sida xukuumada federaalka aysan u sameyn wax horumar ah isla markaana waqtiga u kordhisatay”, ayuu yiri Carson oo intaa ku daray inay qadarinayaan sharcinimada dawlada TFG.
“Tani ma aha mid wax caawineysa”, ayuu yiri kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Mareykanka.
Carson ayaa sheegay inay haboonaan lahayd in madaxda barlamanka iyo xukuumada TDG ee Soomaaliya ay wada tashi kala sameeyaan shacabka Soomaaliyeed iyo wadamada saaxiibada ah ka hor intaysan qaadin talaabadaasi ay waqtiga ku kororsadeen saddexda sano.
Wuxuu dhanka kale, amaanay hawlgalada ciidamada Amisom iyo kuwa DKMG ay kula dagalaamayaan ururka Al Shabaab kuwaasoo ay ku qabsadeen goobo badan oo ka mid ah wadanka, kana dhigeysa in DKMG ah hadda ay maamusho 70% Muqdisho halka matkii hore ay dawladu joogtey 60% magaalada Muqdisho.
Hadalkan ka soo yeeray kaaliyaha wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa noqonaya midkii labaad oo ay dawlada Mareykanka ku cadeyso mowqifkeeda ku aadan waqti kordhinta barlamanka KMG Soomaaliya uu gaarey 3-dii Febraayo taasoo ay sidoo kale cambaareeyeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Europe.
Sidoo kale aqoonyahano iyo waxgarad fara badan oo Soomaaliyeed ayaa ka horjeestey talaabadaasi iyagoo ku tilmaamay mid waqtiga looga luminayo dadka Soomaaliyeed oo rajeynaya in wadanka uu ka hirgalo nidaam doorasho mudo 20 sano ah oo dhibaatooyin ay jireen kadib.

Fikrad Ka Dhiibo