|

Jeneraal Abdi Mahad Oo Ciidamo Xoogleh Isku Daba Ritey Gobalka Gedo

Kadib shir Jaraa’id oo uu maanta magaalada muqdisho ku qabtay Janaraal Cabdi Mahad C/salaam oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowlada ee gobalada Jubooyinka isla markaana uu ku faah faahinayay howlgalada ciidamada dowlada ay ka wadaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo ayaa ugu horeyn waxa uu Taliyuhu mahad naq balaaran u jeediyay ciidamada qalabka sida ee loo carbiyay sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku heynta gobalada Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya ee laga xoreynayo Xoogaga Al Shabaab.

Janaraal Cabdi Mahad waxa uu sheegay in ciidamda qalabka sida ee dhawaan taba barada ku soo qaatay dalka Kenya ay dagaalkii ugu horeeyay oo ay shalay la galeen Xoogaga Al Shabaabay si dhib yar ah kula wareegeen deegaano ay horey ugu sugnaayeen kooxdaasi.

Mar Taliyuhu uu ka hadlayey qasaaraha dagaalka ka dhashay ayaa waxa uu sheegay in laba askari ay geeriyoodeen ciidamda Dowlada todoba kalana ay dhaawacmeen halka dhinaca Xoogaga Al Shabaab ay magaalada kaga carareen meydad farabadan oo 10 kor u dhaafayay uuna jiro gaadiid dagaal oo qaar la gubay, qaarna ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee u taagan in dalka ay ka sifeeyaan kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab.

Janaral Cabdi Mahad C/salaam ayaa ku bogaadiyay shacabka ku dhaqan gobalada dalka in ay gacan ku siiyaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si gobolada dalka looga sifeeyoXoogaga Al Shabaab.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada la qalday ee ay ku adeeganayaan Ajaanibta in ay hubka dhigaan iskuna soo dhiibaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Fikrad Ka Dhiibo