|

Dagaalo saf ballaaran oo caawa ma kale ka qarxay Muqdisho.

dagaalo aad u Culus ayaa mar kale ka qarxay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana laga maqlayaa qeybaha la isku hor fadhiyo ee aaaga dagaalka madaafiic xoog leh.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalada ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka Alshabaab ay soo qaadeen weeraro ballaaran fariisimaha ay leeyihiin ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo qeybaha kale ayaa xabada ay si xoog leh uga socotaa, waxaana dagaalkan uu daba joogaa dagaalkii xalay la isku miray Caasimada Muqdisho ee dadku ay ka seexan waayeen.

Afhayen u hadlay maleeshiyaadka Alshabaab ayaa sheegay in dagaalo cusub ay bilaabeen, kaasoo ay doonayaa inay ku dabar jaraan ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda, waxaana uu tibaaxay in dagaaladii ay soo qaadeen Amisom iyo Dowladda uu fashil ku dhamaaday.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo