|

Qadaafi Ma-Aqbali Doono In Liibia noqo sida Somaliya

Hogaamiyaha wadanka Liibiya ayaa weli wada xasuuqa uu u geysanayo shacabka wadankiisa kadib markii ay ku caasi garoobeen maamulkiisa madaxa adag.
Inkastoo ay wadamada caalamka wadaan cadaadis xoogan oo ay saarayaan taliska Qaddaafi hadane weli wuxuu wadaa in uu diyaaradaha dagaalka iyo taangiyo ku garaaco xaafadaha shicibka deganyihiin ee magaalooyinka waaweyn.
Dhimashadii ugu badneed ayaa shalay iyo maanta ka dhacday wadanka Liibiya ka gadaal markii ay ciidanka Alqaddaafi taangiyo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ku rusheeyeen magaalooyin ay horay gacanta ugu hayeen xoogaga mucaaradka.

Inkabadan 50 qof oo shacab ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhintay duqeymaha ay ciidanka xukuumadda Liibiya ka geysanayaan magaalooyinka Misraata iyo Ajdabiya oo ay xoogaga mucaaradka ku xooganaayeen.

Khodbad uu caawa Telefeshinka Liibiya ka jeediyay Col. Qaddaafi ayuu ku sheegay in xoogaga kacdoonka wada ay doonayaan in Liibiya noqoto sida Somaliya oo kale ciidankiisu wax walba ay sameyn doonaan.
Golaha Amaanka Q.Midoobe ayaa isku mari waayay cunaqabateyn dhanka cirka ah oo lala damacsanaan taliska Qaddaafi wadamada Ruushka,Shiinaha iyo Jarmalka ayaa la sheegay in ay meer meerinayaan in gudaha Liibiya laga sameeyo aag duulimaadyada ka caagan
admin buhodlepost

Fikrad Ka Dhiibo