|

Issimada Beesha Dhulbahante oo Baaq Soo Saaray

Golaha dhaqanka Beelaha Dulbahante ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray xaaladaha amaanka iyo siyaasada Beesha Dhulbahante,warsaxaafadeedkaas oo ay ku saxeexanyihiin sagaal Issim oo ka mid ah Issimada Beesha warsaxaafadeedkaas ayaa u qornaa sidan.

Issimada Beesha Dhulbahante

Ujeedo: gudoon iyo Baaq

Shir ay isugu yimaadeen Issimada Beesha dhulbahante kagana tashanayeen xaaladda collaadeed ay ugu dambaysay dagaalkii ka dhacay Gobalka Cayn oo uu maamulka Hargaysa ku doonayey inuu ku qabsado Goballadaas iyo xaaladda Abaaraaha ka jirta degaamada Beeshu degto.
Ka dib markii ay la tashadeen Cuqaasha, qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo qurba joogta beesha waxay issimadu ku taliyeen in dhamaan issimadu ka hadlaan xaalada ka taagan deegaanada Beesha, cadeeyaanna mawqifka Beesha eek u aaddan arrimahan ka dhacaya Deegaamadeena,waxayna issimadu isku raaceen qoddobada soo socda.

1 in aan Beesha dhulbahante wax wadahadal nabdeed ah la galayn maamulka Hargaysa inta malayshiyadiisa duulaanka ahi ku suganyihiin deegaanka beesha dhulbahante.
2 waxaan cadaynaynaa inaan Beeshu wax maamul ah oo Soomaali nooga gaar ah la samaysan maamulka Hargaysa lana samaysan doonin, islamarkaasna shirkii Burco ee 1991 uu ahaa oo kaliya mid aanu kaga wadahadlaynay dagaalkii u dhexeeyey jabhada SNM iyo Beesha dhulbahante si nabad loogu wada noolaado wax kale oo aanu ku heshiinay ma jirto.

3 waxaan ugu baaqaynaa maamulka Hargaysa iyo madaxda dhaqanka beelaha Isaaq in ay naga qaataan malayshiyadooda ku sugan deegaanadayada sidii aanu horeyba ugu baaqnay.
4 hadii laga dhegaha laga furaysto baaqayaga ku xusan qodabka sedexaad waxaan beesha dhulbahante u soo jeedinaynaa in loo istaago sidii Malayshiyada duulaanka ah laysaga saari lahaa looguna celinlahaa dhulkoodii.
5 waxaan soo jeedinaynaa in laga dheeraado wax kasta oo qaybinaya maskaxda, muruqa iyo maalka Beesha dhulbahante lana ilaaliyo midnimada iyo wadajirka anagoo ogsoon in Maamulka Hargaysa ku mashquulsanyahay iska horkeenka iyo khilaafka abuurka Beesha dhulbahante sidii uu horeyba u samaynjiray.

6 waxaana soo gaadhaya in shir laysku khilaafsanyahay Abaabulkiisu ka socdo dalka debadiisa gaar ahaan Ingiriiska hadaba waxaan cadaynaynaa inaanaan shirkaa waxba ka ogayn,waxaanu ku talinaynaa in la joojiyo anagoo u aragna inuu keenkaro khilaaf iyo kala jab uuna wiiqi karo dib u hanashada dhulkeena cadawgu haysto,cidkasta oo haysa talo dani ugu jirto dadka waxaanu ugu baaqaynaa in ay keenaan dalka gudihiisa si looga wada hadlo.

Ugu dambayntii waxaanu ugu baaqaynaa dadkeena ku nool Gudaha iyo debadaba in ay u gurmad u fidiyaan dadkeena abaartu hayso iyadoo ay khatar wayn ku jiraan dadka iyo duunyaduba.
Guul______________iyo midnimo_

1 Garaad Sulaymaan Garaad Maxamed
2 Garaad C/laahi Garaad Soofe
3 Ugaas C/laahi ciise Nuur
4 Suldaan Siciid Cismaan Cali
5 Garaad C/Salaam Xasan Maxamed
6 Boqor C/laahi Axmed Cali
7 Garaad Sulaymaan Buraale Aadan
8 Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare
9 Ugaas Faarax Maxamuud Cali

www.Buhodlepost.com

By Abdirahman Haji Ahmed Aden

6 Responses for “Issimada Beesha Dhulbahante oo Baaq Soo Saaray”

  1. haruuse says:

    mansha allah waa baaq runtii aad uwanaagsan waxaan ilahay karajaynayaa inuu ilahay inagu anfaco oo aan fulino waxyabahaas laga hadlaya waana ugu mahadcelinayaa garaadada baaqaas ay soo saareen

  2. Eng. Amed Mohamoud Handulle says:

    Madax dhaqameedka, Cuqaasha & dhamaan wax garadka beelaha Sool, Sanaag & Cay. Asalaaqma caleeykum wa raxmatulaahi.
    Waxaan si aan cidi qiyaasi karin ugu farxay baaq aad maanta soo saarteen ee macnaha weyn xambaarsan ee koobay xaladaha hada degaanka degaanka.
    Allahii idin garansiiyey ayaa mahad leh idina waa ku amaanan tihiin. Maah maah Soomaaliyeed ayaa tiraahda ”nin aan kuu furidoonini yuu kuu rarin”Waxaad ogaataan in dad badan oo debada & gudahaba joogaa in ay mashquul ku yihiin kala geenta, xumo ka talinta & hagardaamada dadaka degaanadaas u dhasahy ee aad madaxda u tihiin. Rag baa u guntan in ay dhibtiina dheef ka dhigtaan!

  3. M.H.Buraleh says:

    Sida ku cad baaqii Buurawadal,wixii 2/3 Issimo go’aamiyaan waa go’aan meel mar ah oo mudan in loo hoggaansamo si buuxdana loo taageero loona dhaqan geliyo.

  4. kkk Maanshallah Illaahow run ka dhig ayaan odhan lahaa …

  5. Udun says:

    Isimadu waa asiibeen inteena kalena ficil ayaa la inooka baahan yahay.

  6. farhan says:

    Garaadada iyo Ugaasyada aadbaan usoodhawaynaynaa Baaqa ay udirayaan Jamhada SNM in aykabaxdo deegaamada Sool Sanaag iyo Cayn
    Waashaqadii ayumada uhayeen waxaana leenahay siilaba jibaara. Lakiin mid ay leeyihiin shirka lagu qabanayo Uk lajoojiyo maaha arin macquula waayo saanmaqlayno meeshaas waxaa isugu imaanaya Aqoonyahano kawada hadlaya Danta umada SSC, Mana dhacdo in waxa aqooyahan jooga ay ka qaybgalaa waxaa mu hiima in laba qof oo kasoojeeda deegamadaa waxa wacan ay isugu yimadaa la ajiibo Isimaduna doorbayleeyihiin aqoonyahanduna doorbay leyiin dantuna waxa ay aykujirtaa iyadoo laga runshego masiirka umada lagana fogaado in lagu isticmaalo adoo umad dhan horjooge ay kaa dhigatay. Waa in ay taageeraan Isimadu shirkasta oo dhulbahante oo danta rerka lagaga wada hadlo kana soo horjeeda PL’ SL iyo Cidkasta oo cadow kua ah jiritaanka SSC. Hana laga fogaado in mushahar aan qiima badan tarayn lagu cuna duubo dadmasuu;iyiin ah Wabilaahi towfiiq SSC guul guul guul hana la iska daayo daba dhilifnimada

Fikrad Ka Dhiibo