Ciidamada Faransiiska Oo Garaacay Saldhigyada Ciidamada Qadafi Ee Aaga Banqazi
Dagaallo qaraar ayaa maanta wadanka Libiya ku dhaxmaray ciidamada khaaska ah ee taabacsan nidaamka Mu’amar Al-Qaddafi hogaamiyaha dowladda Liibiya ee sii dhacaysa.
Dagaalada ayaa yimid ka gadaal markii ay ciidamada Amniga Nidaamka Qaddaafi Hujuum kulul ku qaadeen magaalada Banghazi oo ay ku xooganyihiin kooxaha mucaraadka ee Thowrada isku bixiyay.
Warbaahinta caalamka ayaa si isku mid ah usoo werisay in ciidanka Nidaamka Libiya laga Eryey magaalada kadib dagaal culus oo ay lagaleen Dhalinyarada lamagac baxay 17 Feberaayo.
Mid kamida diyaaradaha nidaamka Libiya ayaa dhulka lasoo dhigay waxaa sidoo kale burburay taanigiyo ay kusoo weerar tageen ciidanka Libiya, qiic iyo Uuro ayaa cirka isku shareeray ka gadaal markii ay guutooyinka Qaddaafi fuliyeen duqeymo wuxuushnimo oo ay shacabka ku leynayaan.
Dowladda Faransiiska ayaa markii ugu horeysay fulisay duqeyn dhanka cirka ah oo ka geysatay Galbeedka Magaalada Banghazi oo ay ku sugnaayeen guutooyin katirsan ciidanka Libya ee saaka weeraray shacabka magaalada.
Wasaaradda Dagaalka Faransiiska ayaa caawa shaacisay in ay madaafiic laheshay Saldhig ay isku aruursanayeen ciidanka Nidaamka Qaddaafi, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in duqeynta ay ku burbureen 4 katirsan taangiyada Libiya iyo khasaara dhanka ciidanka ah.
Golaha Amaanka Q.Midoobe ayaa Khamiistii lasoo dhaafay isku raacay in Talaab Milleteri laga qaado Qaddaafi iyo Taliskiisa madaxa adag haddii uu joojin waayo xasuuqa shacabka