Gudoomiyihii Amniga Galkacyo oo Goordhowayd Ladiley
Waxaa goordhawayd magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu toogtay guddoomiyihii gudiga amniga degmeda Gaalkacyo nabadoon Xuseen Cali Dude. Waxaa la cadeeyey in koox hubaysan ay daqiiqado kahor nabadoonka ku dhex toogteen magaalada bartankeeda.
Ilaa iyo iminka lama sheegin sababta lagu dilay nabadoon Xuseen Cali, laakiin wuxuu dilkani qeyb ka yahay dilal isdabajoog ahaa oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay lagu ugaarsanayay odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha gobolka heer gobol iyo mid degmo.
Dilka nabadoonka oo ka dhacay meel aan ka fogayn masjidu-Ramadaan ee xaafadda Garsoor ayaa la cadeeyey in rag ku hubaysan hubka fudud ay rasaas ladheceen nabadoonka kaasoo isla goobta ku geeriyooday.
Wixii faahfaahin ah ee dilka nabadoon Xuseen Cali Dude kasoo kordha kala soco warsidaha Allpuntland.