Cabsi dagaal oo laga soo sheegayo Ceel-Waaq
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa saaka laga soo sheegayaa degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo oo ay dhawaan gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah oo Kenya lagu soo qalabeeyay.
Wararka naga soo gaaraya Ceel-Waaq ayaa sheegaya in xalay fiidkii hawada laga saaray Isgaarsiintii magaalada kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in weerar lagu soo yahay magaalada.
Ciidanka dowlada KMG ah ee Ceel-Waaq ku sugan ayaa difaacyo ka qotay gudaha iyo hareeraha degmada.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Xarakada Shabaab ay weerar kusoo tahay degmada, balse lama saadaalin karo sida uu xaalka Ceel-Waaq noqon doono.
Afhayeenka ciidanka Al Shabaab Abuu Muscab ayaa xalay sheegay in ciidankooda ay israacsiin doonaan jabka ciidamadii Kenya Tababarka kusoo qaatay sida uu hadalka u dhihay.
“Mujaahidiintu waxay wiiqeen ciidankii cadawga ee Kenya soo abaabushay, haddii Rabbi idmo dhawaan ayaan jabkooda is raacsiin doonaa” ayuu yiri Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab.
Colaadaha ka jira Gedo iyo Jubbooyinka ayaa sii xoogeysanaya waxeyna dadku is weydiinayaan xilliga uu dhamaan doono loolanka u dhexeeya labada dhinac ee ishaya.
Admin-