|

Ciidanka Siilaanyo oo haween cows ka guranayay tuulada samakaab,rasaas kufurey fuleyimo awgeed

Tuulo samakaab

Maalinimadii shalay xili ay tahay maqib ayaa raxan ciidamo ah oo degan Daagaanka Tuulo Samakab ay rasaas ooda kaga qaadeen Caruur iyo Dumar deegankasi ku dhaqan oo duurka u baxay si ay caws uso gurtaan.

 

 

Dhawaqa rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ay ku jireen qoryaha lidka diyaaradaha ayaa ooda lagaga qaaday ,dumarka iyo caruurta kuwaasi oo rasaasta lagu soo ridayay ay halis gelisay naftooda ,waxana weriyayaal soo booqday goobta shilku ka dhacay ay indhohooda ku soo arkeen dhirta waawen ee halkaasi ku taalay oo rasaastu gogooysay laamah qaar.

 

Dhanka kalena Odayaal ka tirsan waxgaradka Deeganka Tuulo samakaab iyo weiba masuuliyiinta Maamulka Degmada Yagoori oo booqday Tuulo samakaab , ayaa lakulmay Madaxda ciidankii halkaasi degenaa, waxana ay u sheegeen Saraakiisha Ciidanku in Rasaasta ay u rideen kadib, markii ay ka baqeen tirada dumarka iyo ciyaalka oo ay u arkeen ciidan kusoo duulay
Admin

Fikrad Ka Dhiibo