|

Nabadoon xuseen Ali Dude oo maanta galkacyo lagu aasay

Allaha u naxariistee Galkacyo waxaa Maanta lagu aasay Nabadoon Xuseen Cali dude oo habeenimadii xalay rag hubaysan ay ku dileen bartamaha magaalada Gaalkacyo.
Dilka Marxuumkan ayaa ka dhacay Salaada Cishaha kadib agagaarka Masaajidka RAMADAAN ee Magaalada gaalkacyo xilli uu isla masajidkaasi ku soo tukaday salaada Cishaha islamarkaana uu u hoyasha tagay Xaafadiisa oo aan sidaas uga fogayn masaajidka.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa la sheegay in uu sababsaday rasaas ku fureen laba nin oo hubaysan oo aan ilaa iyo hada gacan lagu soo dhigin.

Allaha u raxmadee Marxuumkan waxaa Maanta lagu aasay Qubuuraha Gaalkacyo waxaana Aaskiisa goobjoog ka ahaa Xubno ka tirsan Masuuliyiinta labada Gole ee Baarlamanka iyo kan Xukuumada ee Puntland, Masuuliyiinta Gobalka iyo Degmada Gaalkacyo, saraakiil ka tirsan kuwa Ciidamada ee heer Puntland iyo heer Gobalka, Xubno ka socday Maxkamadaha Nabadoono iyo waxgarad kale oo aad u farabadnaa waxayna alle si wada jir ah uga baryeen in uu naxariitiisa ka waraabiyo gacmaha ka xaqdaran ee dilka u gaystayna uu dayaxa ka soo iftiimiyo.

Marxuum Xuseen Cali Dude wuxuu ku dhashay Degmada Galaadi wuxuuna ka tagay laba xaas iyo Caruurtood oo ku kala sugan Dalka iyo dibadiisa.

Allaha u naxariistee Nabadoon Xuseen Cali dude wuxuu mudo farabadan ku hawlanaa Nabadoonnimada Umada Soomaliyeed gaar ahaana Gobalkan Mudug wuxuuna kaloo ka mid ahaa Ganacsatada Magaalada gaalkacyo ee sida weyn uga qayb qaadata Arrimao Horumarinta ku salaysan.

Dhinaca kale waxaa Wali socda hawgalo baaxad leh oo Ciidamada Amaanku ay ku daba joogaan dadkii falkan ka dambeeyay lakin ilaa iyo hada ma jirto cid dilkan iyo arrimo la xiriira loo soo qabtay
Abdirizak kaneec
Admin

Fikrad Ka Dhiibo