madax wayne shariif oo goob furan ah booqday dilna ka bad baaday warbixin ayanu idinkga haynaa
Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in uu maanta si dirqi ah uga bad baaday dil ay la damacsanaayeen ciidamada Xarakada Al Shabaab waqti ay dagaalo ka socdeen aag uu booqanayey Shariif.
Shabakadda AOL ayaa heshay xog dheeraad ah oo ku aadan waxa Madaxweynaha ku qabsaday aagga Boondheere oo loo sheegay in ay la wareegeen ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM.
Weriyaal diiday in magacooda la adeegsado oo ka mid ahaa dadkii halista ku galay Boondheere ayaa sheegay in uu madaxweyne Shariif tegay meel ku dhaw Isgoyska Boondheere oo ay taangiyo u yiileen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.
Markii uu Shariif ka degay Taangigii uu saaraa ayuu mar qura bilaawday dagaal culus oo ay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kasoo qaadeen meel u dhow goobta uu madaxweynaha joogay.
Sida muuqata saraakiisha AMISOM ayaa doonayey in ay Shariif dhadhansiiyaan kuleylka ka jira aagaga dagaalka si uu u aamino khatarta ay AMISOM ka hor taagan yihiin dowladda KMG ah.
Rasaas ayaa isqabsatay Shariifna xiligaasi taangiga waa uu kasoo degay. Markii ay Shabaabku madaxweynaha meel walba rasaas ka hor dhigeen ayey aad u difaaceen AMISOM oo qudhooda ka dul dagaalamayay taangiyada qafilan.
Madaxweynaha oo baqa carar ah ayaa dhanka Madaxtooyada soo aaday halkaasi oo uu saxaafadda war kooban ku siiyay.
Saraakiil ku dhaw dhaw Villa Somaliya ayaa sheegay in madaxweynaha ay soo gaareen xagatimooyin yar-yar, kuwaas oo kasoo gaaray geedaha loo yaqaan (Geed Yahuud iyo Tii-Tiin), balse aysan jirin wax dhib intaa ka weyn oo soo gaaray.
Shariif Sheekh Axmed waxaa dhagray saraakiisha AMISOM oo u sheegay in ay la wareegeen dhul badan isna uu aad ugu faraxsanaa in uu khudbad ka jeediyo.
Waa markii ugu horeysay oo ay Shariif qatar gasho noolashiisa tan iyo markii madaxweynaha loo doortay.
Admin
abdirizak kaneec