|

Maqaal.. Eng..Maxamud caydiid dirir..Cali Gaan Arkay Ciirsi Mood Waa Caala’aan By Eng: Maxamuud Caydiid Dirir

Mahad dhamaanteed ILLAAHAY baa leh Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigiisii Suubanaa korkiisa ha ahaato.(SWC)

Akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha lohow waxaad mudo hadda maqlayseen shir dhulbahante ayaa Cali Khaliif Galayr London ku qabanayaa. Mudo wax lala dhuundhuuntoba faqii fagaaruhuu u soo baxay.
Waxaan maalin dhowad ka qayb galay London shir lagu qabtay oo Cali ka hadlay keligii, iyadoo hareeraha ay ka gelbinayaa kooxdii marfashka Hanwell iyo taageerayaashii kooxdii xaglatoosiye oo ay ku jiraan dumar kabo la diyaar ah in ay ku boobaan qofkii Cali hadal ku soo celiya ama su’aal waydiiya.
Nasiib wanaag iyo nasiib daro Cali iyo laba nin oo kale baanu israacnay xiligii shirku dhamaaday, inyar hadaanu soconay baa cali la iskaaya baray ma ninkii reer hebel ee wax iga qoraybaa buu cali isbaridii ku xejiey, anigu xoriyatul qawl baan leeyahay adna siyaasi baad tahay baan ugu jawaabay, ima taqaanid buu ku xejiyey hadalkii noofuran: Caliyow caawa madashii shirka waad ka maahmaahday (madiyi isma yeelyeesho) xili aad madi noqonlahayd way jirtay haddii wax kaa soo dhacayaan waa xiligii aad Ra’iisal wasaaraha noqotay oo aad hayadaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka shaqaynayey aad amar siin karaysay xiligaas baad madi noqonkari lahayd ee maxaad maanta oo aadan awood lahayn u qabankartaa Dhulbahante? Intaasi markii ay nakala gaadhay oo aan odhaahdaasi aniga afkayga weli kadhamaan ayaa labadii nin ee kale igu soo boodeen lama hadlikartid Cali gaadhigana ka deg waana ka degay, (nimaan weedh sugini waran masugo) cali wuxuu odhan kariwaayey haddiiba uu xasuusan yahay ninkii horey wax uga qoray in aan ahay caawana doodka qabo waxa uu wado oo aanu sheegin welina faq iyo labaay toos ku socda, in uu yidhaahdo waar ninka ha aamusiinina waan ka qancinayaa waxa aan qabankaro iyo waxa aan wado hadii aanu kala aragti noqonana waa la arki jiray, anagoon is colaadsan oo wada hadlayna aan kala tango, nasiib wanaag haddii cali ku guul daraystay in uu heshiisiiyo saddex nin oo saaxiibo ah gaadhi gudihii kuwada jira shir dad tol ahi isugu yimi ka soo wada qayb galay oo weliba aawadii loo abaabulay ma Dhulbahantaha haadka iyo haanraawuhu ka dhergay buu isu keenikaraa?
Dad kii Cali su’aalaha waydiiyey waxaa ka mid ahaa nin qareen ah oo dhalinyaro ah oo reer buuhoodle ah wuxuu ku yidhi Caliyow intii uu socday difaacii Kalshaale waxyaabo badan baanu ka baranay dadka Dhulbahante magacyo iyo halku dhegyo aanay dhegohoodu maqlikarin iyo kuwo ay u jiboonayaan baa kala jira, tusaale ahaan waxaanu damacnay inaanu ciidamis ka soo qaadno dadka tuulooyinka Buuhoodle waxkasta oo aanu ku muusanawnay way noo soo joogsan waayeen ilaa aanu nidhi dhulkii Dhulbahante baa lagu soo duulay markaasay baabuurta dhinacyada qabsadeen intii aanu doonaynayna helay, markaa caliyow miyaanay haboonayan indadka wax ay garanayaan loo sheego dadka kala aragtida ahna laga wada qayb geliyo shirka waayo hada koox keliya baa iimuuqata in aad wadato, Cali wuxuu ku jawaabay Reer buuhoodlow calankii dagaalka waad sidaan haseyeeshee joojiya dardartan siyaasaddeed ee aad la soo baxdeen inta aynu kala baranayno waxa ay dadku kala aragti ku yihiin baa xeedho iyo fandhaal kala dhacayaan, intii qareenku hadlayey in lakabeeyo buu ku sigtay. Cali in uu reer Buuhoodle ku halqabsado sidaana ugu jawaabo macneheedu waxaa weeye reer Buuhoodle aniga iyo garaadkayga ayaa siyaasadda ku metela ee iyagu wax door ah kuma laha in ay ka hadlaan mustaqbalkooda siyaasaddeed. Tani waa mala habowgii uu sameeyey garaad jaamac g cali xiligii uu Buuhoodle tegay oo isga oo aan wax xidhiidh ah la samay waxgaradkii, garaadkii, cuqaashii Buuhoodle iska soo galay intuu dumar iyo carruur durbaano u dhiibtay, laguna yidhi waxgaradka waanu idin xidhxidhaynaa hadii aydaan durbaanka noo tumin.
Inta aynaan arinka shirka u gudbin aan ka hadalo Cali in aanu wax door ah ka qaadan halganka maanta dhulbahante ku jiro.
Tan iyo maalintii uu mucaaradka ku noqday Dawladdii Soomaaliyeed ee ugu danbaysay cali weligii talo dhulbahante in uu dibindaabyeeyo mooyee ma tabantaabin, waxaana in badan cali laga hayaa hadalo uu iskaga fogaynayo dhalasho ahaan in uu u dhashay Dhulbahante, febraayo 2009 Imaraadka carabta shir lagu qabtay Cali waxa uu ka yidhi Dhulbahante isku DNA maaha ee hala baadho, shirkaas waxaa lagu burburinayey in waxgarad Dhulbahante oo qurbaha ka yimaadaa aanay tegin dhulkii shir wada tashina aanay ka abaabulin, waxaa kale oo cali laga hayaa in uu yidhi anigu tol siyaasaddeed baan leeyahay ee tol dhalasho malihi, Mudulood baan ahay, wuxuu Cali ka qayb galay shirkii Burco ee SNM goosashada ku sheegatay, wuxuu kale oo ka qayb galay shirkii Boorame.
2008 markii NSUM ololaha siyaasaddeed ku qaaday SNM Cali waxaa la waydiiyey oo loo soo bandhigay in uu ka qaybqaato ololhaas, waxaa lagu yidhi waxaad ka hadashaa Chatham House qadiyada Dhulbahantena halkaa kasharax waxay noqon lahayd hiilkii ugu waynaa ee siyaasaddeed dagaalka qorigana kan baa ka xoog badnaanlahaa dhulbahantena Cali waa ku ilaawilahaa wixii hore ee uu dayacay haddii uu hadalkaa maantaa u odhanlahaa Calise arinkaa waa diiday. intii waxaas oo jabhado ah la samaynayey Cali waa joogay garanawaa cida loo tashanayo in ay reerkiisa tahay, in talo laga yeeshana weligii kama talin, hadaba maanta maxaa u muuqday oo uu doonayaa? Sida aad lawada socotaan Cali samayntii shirkii lagu fashilmay ee Nairobi isagaa soo hindisay sidii uu doonayeyna wax uguma taabaqaadin, wixii u suurto geliwaayey in uu dib u abaabusho buu Cali shirkan u abaabushay, haddii aad eegtona halkii shirkii hungo ee Nairobi maray buu kana ku socdaa ee hebelow ii kaalay, wadatashi iyo falanqayn iyo yaa talo Dhulbahante wax ku soo kordhin kara Cali ku xulanmaayo ergooyinka shirkiisa.
Sidee bay ku haboonayd haddii Cali doonayo in uu Dhulbahante arin u soo bandhigo in uu u maro?
Waxay ahayd in Cali waxgarad Dhulbahante u yeedho una bandhigo waxa uu doonayo, mase yeelin Cali inta uu qoyskiisa shirsaday oo liis la qortay cida ay doonayaan dan Dhulbahante sida ay u doonayaan ugu dhigta iyo tiro yar oo lagu balamay in sumcada laga xumeeyo oo inta magacyadooda liiska lagu qortay iyada oo aan loo sheegin hadhow layiraahdo oday hebel waanu ogaysiinay oo wuuna diiday.
Cali wuxuu kale oo shirkiisa gadhwadeeno uga dhigay kuwii hore shirkii hungo danta Dhulbahante burburiyey, kooxdii Bali gubadle wixii ka hadhay iyo kuwii calanka SNM caro Daraawiisheed keenay ,(wallee layslala Ceel cad iyo Mudug, Wallee layslala dan dhulbahante dibindaabyadeeda ku wii lagu bartay iyo durbaanka maanta Cali qaatay).
Haddii Cali doonayo in uu dagaalka maanta soo galo laba arimood ha ku dhaqaaqo:
1-reerkiisa safka xoreynta iyo difaaca dhulbahante ha soo geliyo, ha ka gudbo ilmadii yaxaaska ee garaadkiisu qubayey xoreyn iyo midayn aan jirin(qawda maqashii qarna ka tuuryee), garaadku wixii uu qaylodhalaan dhigay qorina makeenin, askarina makeenin, wax lagu dagaal galona makeenin(carab iyo calool kala jira bay arintani daliil u tahay),intii aanu soo dhoofin g jaamac wuxuu la shiray baashe maxamed cade iyo ina xaabsade war saxaafaddeed cali maraykan shirkaa ka soo saarayna wuxuu ku sheegay in ina xaabsade uu yahay oday SSC ah, calina tii uun buu dabada hayaa, mar haddii uu hawlihiisa gadhwadeeno uga dhigay raggii ku caanbaxay burburinta Dhulbahante.
2-Cali ha tago Chatham House wuxuu helayaa marti dhowr boqol oo qof ah oo aqoonyahaniin siyaasiyiin xubnaha Baarlamaanka uk iyo dadka siyaasadda uk wax ka odhankara isaga oo sida ay tahay u sheegaya wakhti iyo wax kale oo cidhiidhyayaana aanay jirin ee isagu uu gadhwadeen hadalka u yahay, haka sheego SNM in ay cara Dhulbahante isaga baxdo, dulmiga iyo duulaanka madax badan oo ka mid ah dalka uk ay qayb ka yihiin kuwaas oo isugu jira qaar la khalday oo aqoon la’aani ka hayso yaa goosanaya yaase diidan, kuwo taageerada ay siiyaan Soomaalidiidka u badheedhay , waa fagaare caalami ah oo siyaasiyiin iyo dadka wax qoraaba si mugleh uga bogan karaan arinka Dhulbahante iyo in aan dhulkii woqooyi laysku odhan jiray in aan dadkeedu isku raacsanayn goosaho waana halka ay u dhimanayso, beesha caalamka intaas baa ka hadhay in ay soomaalidiidka albaabada ka xidhaan. Haka badheedho Cali dagaalkana toos ha u soo galo haddii uu rabo in Dhulbahante aamino wixii horena ay iska ilaawaan haddii kalese in Cali doonayo dan uu leeyahay in uu ku gaadho Dhulbahante ayaa halkaa ka cad.
Hadal iyo dhamaan shir Dhulbahante wuxuu ku haboon yahay in dhulkii lagu qabto shir danbe oo qurbe lagu qabtaana tafaraaruq hor leh buu soo wadaa, guusha maanta Kalshaale ka dhalatay haddii Cali koodh u gashaday isagoon waxba ku darsan wuu mala xumaystay.
Laascaanood kolka la xoreeyo shirka ugu horeeya ee wadatashi Dhulbahante waxaa lagu qabandoonaa Kalshaale waayo guushu kama dhalan hudheelo marawaxad leh, biyo tuubo ka soo dhacaya iyo sariiro lagu dangiigo ee waxay kadhalatay qorax, kudkude, gaajo iyo xinjiro dhiigleh taasi waa walqashii guusha gunaanadkeedana halkaas baa lagu gudoonsandoonaa nin aan wax ku darsana door kuma laha.
Waxa keliya ee maanta furani waa taakulaynta dadka difaaca iyo xoreynta u taagan, agabka ay u baahanyihiin naftood hurayaashu taakulaynta inta dhaawacantay, iyadoo taasi ino taal haddii aynu shir u fadhiisano waxaa inaga lumaya hadafkii xoreynta iyo difaaca, khilaaf horleh oo soo kordhaana wuxuu kala dhimayaa awoodeena muruq maal iyo maskaxba.
Sidaa daraaddeed Cali ha ka waantoobo shirka docfaruurka ah ee kooxdii marfashka Hanwell horboodayaan.

Guul iyo Gobanimo
Eng. Maxamud Caydiid Dirir
London
www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo