|

Waraysiyadii laga qaaday horjoogayaasha soomaalidiidka oo dood weyn iyo khalkhal ka dhex abuuray magaalooyinka maamul goboleedka somaliland

Written by Qaran news
Mar 22, 2011 at 11:32 AM
Wareysiyo ay kooxda SSC sheegtay inay si sir ah ula
yeelatay Madax ka Tirsan Somaliland oo Dood weyn

Dhaliyey Waxay Websiteyadooda soo galiyeen codad ay
sheegeen inay ka duubeen Madaxweyne Siilaanyo,
Maxamed kaahin iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka

Hargeysa (Qaran news)-Sida ay baahiyeen shabakadaha
wararka ee jabhada SSC ee ka soo horjeeda Somaliland,
waxay waraysiyo ay ku sheegeen Sir la yeesheen
masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Somaliland, Kuwaas
oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Somaliland Axmed
Maxamed Maxamud Siilaanyo, ayna ka mid yihiin
wasiiradda, Arrimaha gudaha, Gaashaan-dhiga, Taliyaha
Ciidanka Qaranka, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, Chief of
cabinetka Madaxtooyadda iyo Maxamed Kaahin Axmed.
Sirahan ay sheegeen inay ka duubeen Madaxdaasi oo ay
Cod ahaan qaarkood u soo galiyeen Web-site’yadooda
ugu Waaweyn ayaa shalay iyo xalay Dood weyn ka dhex
dhaliyay Dadweynaha siday dhab u yihiin Codadkaasi,
oo marka la dhagaysto dhab u muuqda gaar ahaana waxa
xalay waxay soo galiyeen Codadka Madaxweynaha,
Maxamed Kaahin iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka,iyadoo
ay Mashquuleen goobaha laga dheehdo Internadada
markii la isku sheegay arrintan.

Laakiin dad badan ayaa shaki ka muujiyay sida ay dhab
u yihiin kadib markii ay arkeen hadalada qaarkood
inaanay ahayn kuwo dad masuuliyiin ah ka soo bixi
kara gaar ahaan Waraysiga ay sheegeen inay si Sir ah
ula yeesheen Maxamed Kaahin oo duray masuuliyiin ka
tirsan Xukuumadda halka codka ay ku sheegeen inay
Siilaanyo ka duubeen uu yahay mid taxadar badani ka
muuqdo marka laga reebo weedho uu kaga hadlayay
dhinaca Amaanka oo uu sheegayo in ay Culays weyn ku
hayso Xukuumadiisa.
Hadaba qaybta ugu miisaanka cuslayd oo ah hadalka
Maxamed Kaahin ay ku sheegeen inay la yeesheen uu u
dhacay sidan:-

SSC: bal xaalada wadanka nooga waran?

Maxamed Kaahin: walaahi horta xaaladii intii hore
wax qarsooni ma raacsana,xaga Puntlandna abaabul fara
badan baa ka jira,shalayna qolada xisbiyada iyo
waxoo dhan waa la wada shiray,marxalad cusubina ma
jirta, abaabulkaa Puntland wuu jiraa.

SSC :Markaa hada ma wax dagaalo ah ayaa socda?
Maxamed Kaahin: maya waxba hadeer ma socdaan, ma
waxbaa maqasheen
SSC: walaahi waxbaan hadeer maq maqlayey, oo waxbaa
socda, annaga laftayaduna muddaharaad baanu soo
abaabulaynaa hadaanu nahay Jahliyada Reer Somaliland,
waxaanay maanta soo sawireen Naag la dilayo oo ay
leeyihiin xataa dumarbaa la dilay, marka waxaasaanu
doonaynaa annaguna inaanu beenino,aduunkiibay wax
kale ka dhaadhiciyeen.?

Maxamed Kaahin: saw ma ogidin sawirkan ay maalintii
dhawayd soo saareen inuu Photo File hore ahaa?
Photo file hore ayuu ahaa.

SSC:Waxaan ku waydiiyey Col Maxamed Kaahinaw ma
jirtaa cid aad Reer Nugaaleedka Xidhiidh la samayseen
isimadooda ah?

Maxamed Kaahin: haa.

SSC: yaad la xidhiidhaan Isimida Reer Nugaaleedka ah
Maxamed Kaahinow?

Maxamed Kaahin: horta waxaanu la xidhiidhnaa Garaad
Saleban iminka, marka Nugaal la joogona waa Garaadka
ugu weyn.

SSC waa runtaa

Maxamed Kaahin: laba todobaad ka horna waxa aanu
halkan ka dirnay, wafti uu isaga laftiisu soo diray
oo Puntland ka soo diray ama eeriyada Nugaal dhawr
iyo labaatan cishona halka joogay.

SSC :yaa Hogaaminaya waftigaasi?

Maxamed Kaahin: waxa hogaaminayay, ilaa inankiisa
ayaa ku jira oo waxa ka jira qoladii cabdi Maxamuud
reer Garaadkii uu isagu ahaa ayaa ku jiray wafti
qaraabadiisa u badan oo qoladan Maxamuud
Ugaadhyahanka , Naaleeye Axmedkana ay cidi kaga jirto
Nin dhiilood la yidhaahdo oo puntland bari hore
Wasiir ka ahaan jiray baa ku jira,qoladaasaa markay
iminka meeshii tageen shirarkii ay qoladaasi wadeen
oo Puntlandnaysan Deegaanka Buuhoodle ay Reer
Nugaaleed tagaan ayaa arinkii joojiyey yidhi annagu
dagaalkaa kuma jirno, waxaanu ku ajiibi karnaa waa
arin nabadeed, dabaadeedna arinkaasi ayaa la doonayaa
iminka in la burburiyo, oo qolada Puntland Faroole
Habeenkii dhawayd ee uu hadlayey waydinkii maqlayey,
marka idinku arimaha aad qaadan kartaan waxa weeye
qolada Ugaadhyahanka ee xagaa joogta, maanta isku
dayey inaan la hadlo oo aan ku idhaahdo kuwiina
halkaa jooga yaa lala hadli karaa.

SSC: Maya horta waxay ku badan yihiin Gobol kale oo
Minasoota la yidhaahdo, annagu miyaami iyo California
meelahaasi ayaanu nahay, markaa adigu kolay Odayaal
iyaga ah ayaanu Xidhiidh samaynaa, markaa waxa kale
oo annagu jahliyad ahaa ka shakisanahay isaaqayaga
meeshan joogaa, Kalsooni intee leeg ayaad ku qabtaan
Nimankan Dhulbahante, khaasatan kuwa Jaamac Siyaad ee
ku jira Somaliland?

Maxamed Kaahin: horta way fiicanyahay ilaa xad kow
dheh, waa ogtihiin oo Nin Garaad Jaamac la yidhaadaa
waa kii idiin yimi,markaa qoladani way ku kala qayb
santay, waana Ninka qoladan SSC lacagta u soo Guro.
Ninka kale: oo Garaad Jaamac ayaa lacagta u soo
Gura?

Maxamed Kaahin:Garaad Jaamaca Jaamac Siyaadbaa
lacagta u soo gura oo xataa mar hore isaga oo
garamadii isku xayaysiinaya ayaad ku arkaysaan web

SSC-da, markaa inaga ka gaabinay oo ninkan garaad ah
nin kale oo ay isku shidayeen oo hawshii uu soo
dhameeyey hagaagsantahay oo doonayayey in uu
hortayada isku cadeeyo oo garaadnimadiisii ka
diyaarsado ayaanan si wanaagsan ula shaqaynin, oo
qolada Maamulkaa uga taag la’nahay, wasiirka
Ganacsiga waa ilmaadeer iyo labadan Walaalaha ahi,
Qoladan xun ee xag jirka ah ayuu u xagliyaa horta
kan wasiirka ahi.

SSC: kan Wasiirka ahi waxa uu u xagliyaa Ninka halkan
jooga?

Maxamed Kaahin: Ninka halkan jooga London ayuu uga
wakiil yahay Baasaboor Ingiriis ah ayuu haystaa oo
waa Reer London, marka annagu maalin dhawayd waanu
isku qabsanay, abtina waanu u nahay, dabadeed waxaanu
ku nidhi waar annagu Jaamac Siyaad Garaad abti u
kala samayn mayno ee Ninkan Garaadka ah ee Jaamac
siyaad SSC lacagta uga uruurinaya inaga daaya, dee
markaa maxaan ku idhaahdaaye waxay u baahantahay
markaa idinku qoladaa annaa la hadlaaya qolada
Ugaadhyahan ee halkan joogta, waxaanan ku odhanaya
Qolada idinka ah ee Minasoota joogta cid noocaas aah
oo aad ku kalsoontihiin ma jirtaa.

SSC :maya annagu waxaanu samaynaynaa jahliyad ahaan
Isaaqayagii raga horta aniga ayaa ugu yara af dheer
oo Waraaqaan qorayaa yacni Sawiradan iyo waxan ay
soo geliyeen, waxa ay leeyihiin waaxbaa la xasuuqayna
horta waan beeninayaa,hadana qoraaladii waan
diyaarsaday baribaan dirayaa, waxan idinka xidhan oo
dhan aniga ayaa furaya, idinka uu waxa la idiinka
baahanyahay wixii gudaha ka socda siyaasada inaad
ogaataan, Ninka la yidhaahdo ina cambaashe ee Jaamac
Siyaad ee Ciidanka wata isaga Kalsooni intee leeg
ayaa laga qabnaa?

Maxamed Kaahin: horta isagu waa isku fiicanyahay kow
dheh, laakiin hada Culays badan baa lagu hayaa oo
xagaa kale kaga socda, xaganan kolkaa doonaynaa inaan
Culays kale ka saarno, marka annaku waanu wada
xidhiidhnaa Culays fara badan baa laga saara, Nimanka
xagan jooga ee Dawlada ku jiraana waa niman Khayr
beeleyaal ah oo xataa meelayntiisana aan
xanaanayn,laakiin anniga ayaa hada barmaamuj wada
hada aan leeyahay Ninka dee halaga war hayo ileen
hadii kale waa la inaga kaxaysanayaaye oo mar mar ha
loo yeedho, laakiin ma xuma inamadeenana waa uu hagi
karaa ciidanka ah oo waliba Eeriyada laascaanood waxa
u badan Niman Reer Burco ah oo jooga.

SSC :Maxamad Kaahinow horta ragii hore ee isaaq
adigaa ku jira ragaanu ku kalsoonahay hadii aanu
Isaaqnahay oo Ninka ugu weyn baa tahay, waxa weeyaan
dawladan hada dhisay madaxda ku jirta ee hartiga ah
niman aanu Kalsooni ku qaadan karno oo ku
qanaacsanahay maaha?

Maxamed Kaahin:walaahi dad badan ayaa sidaasa kow
dheh, ragii reer Somaliland ee ilaa bari fog joogay
maaha,anaga laftaydu markii dawlada laa dhisayay
qolada ugu badan ee aanu hawshooda ka hadalnay ee la
isku qabsaday ayay ka mid ahayd oo aniga waaban isku
dhaacnay oo waxaan idhi horta Nimanka Isaaqa cidii la
rabo ha laga qaato,oo waxaan idhi dee bahashu in
badan bay soo dhisnayde raga laga qaadanayaan waa
inay ahaadaan rag la taaban karo, waayo raga qaarna
waligood waxay ahaayeen Somaliland qaarna toban jeer
inta ay yimaadeen hadana noqday oo aanu halkan ku
haynaa, waxaana ka mid ah kan iminka Wasiirka
Warfaafinta laga dhigay oo ugu horeeya,

SSC: Xaabsade miyaa?

Maxamed Kaahin: Haa dabcan.

SSC :Ninkaasi ma kula tahay in uu la soo xidhiidho
madaxda Majeerteeniya ugu waaweyn ee Maraykanka
joogta?

Maxamed Kaahin: waanu ognahay waanu ognahay.

xigasho

Waaheen

Fikrad Ka Dhiibo