Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha iyo Muddo kororsigii baarlamaanka
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka soo horjeestay muddo kororsigii Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in muddo kororsigaasi uu yahay mid aan sharci ahayn.
Haddaba warsaxaafadeed kaa ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha oo soo gaadhay Warbaahinta ayaa ahaa mid tixraacaya war-saxaafadeedkii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shiriif Sakiin ee uu soo saaray 19 bishan markii uu dalka dib ugu soo laabtay, “wuxuu yidhi Madaxweyne Shiriif waxaana dib u akhriyay qodobbada: 40,41,42 iyo 43 ee axdiga KMG ah iyo qodobada: 70,72 iyo 75 ee dastuurkii 1960 kii, oo dhammaan ku wada-saabsan: shuruudaha, sharraxaadda, doorashada, muddada xilka iyo arrimo kale ee la xidhiidha madaxweynaha.
Madaxweynaha isagoo dhagaystay talada sharci-yaqaanno iyo khubaro qaanuun ee ku xeel-dheer arrimahaas, waxaa u caddaatay arrimaha soo socda oo kala ah:
1. Sida ku cad qodobka 43-aad ee muddada xilka madaxweeynaha, madaxweynuhu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga – illaa inta qof kale ee loosoo doortay madaxweeynanimada uu xilka kala wareegaayo.”
2. Marka laga reebo sababaha faqradda sare ku qoran, doorasho madaxweyne waxay qabsoomi kartaa oo keliya marka ay dhammaato mudada baarlamaanka, mid cusubna uu shaqadiisa billaabo oo marka hore doorta shir guddoonkiisa.
3. Guddoonka baarlamaanka waxaa la dooran karaa muddada oo aan dhamaanin haddii: shir-guddoonku si wadajir ah isu-casilo ama baarlamaanku kalsoonidii kala laabto sabab kasta ha ku timaadee.
4. Baarlamaanka hadda jira awood sharci ah uma laha inay doorasho u cusbooneysiiyaan shir-gudoonka iyo madaxweeynaha iyadoo waqtigii uusan weli dhammaan, sababaha axdigu sheegaayo ee kor ku xusan aysan jirin.
5. Aqoonyahannada sharcigu waxay qirayaan xataa haddii la isku raaco muddo kordhin cusub sharci ahaan ma aha in loo fasiro ama lagala mid dhigo baarlamaan cusub oo lasoo doortay, mana keeneeyso in hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka ka jira dhismahoodii dib loogu laabto.
6. Nuxurka muddo kordhintu waa waqtigii la qabtay oo lagu dhammaystiri waayay howlihii la isu xilsaaray, sidaas darteedna waqti dheeraad ah loo baahan yahay, baahida waqtiga dheeriga ah oo lagu dhammaystiro howlahaas waxaa u baahan dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee ma ahan baahida baarlamaanka oo keliya.
7. Ugu dambeyntii, waxaa tixgelin gaar ah mudan marxaladda adag ee khatarta ah ee dalku marayo oo loo baahan yahay in si wadajir iyo wada-shaqayn joogto ah looga samata-baxo, oo aan la abuurin laguna mashquulin murano iyo is-qabqabsi siyaasadeed oo fursad siin karta cadowga khatarta joogtada ah ku haya jiritaanka iyo Qarannimada Soomaaliya.
8. Waxaa kaloo muhiim ah in la helo wada-shaqayn iyo is-ixtiraam joogta ah ee dhexmara ha’yadaha dastuuriga ah iyadoo la ilaalinaayo ku dhaqanka axdiga iyo shuruucda dalka iyo in hay’adaha dastuuriga ah cid waliba loo daayo gacanna lagu siiyo gudashada howlaha axdiga iyo shuruucda kale loogu xil-saaray, isla markaasna laga fogaado shirarka jaraa’id oo aan maslaxadda ummadda ku jirin.
9. Waxaa mar kale la xasuusinayaa guddoonka baarlamaanka mar haddii ay dhisan yihiin ha’yadihii dastuuriga ahaa ee dalka, inay waajibaadkooda ka mid tahay inay u hoggaansamaan xeerarka iyo hab raaca sharci-dejinta dalka ee uu baarlamaanku gaaro loo gudbiyo madaxweeynaha Soomaaliya si loo ansixiyo loona dhaqan-geliyo ugana mid noqdaan shuruucda dalka lagu maamulayo.
Malik AbdallaAgaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
si kastaba ha ahaato ee waxaa muuqato arimihii dawladihii hore ee kumeelgaadh ka ahaa oo dhamaantood markii ay dumayeen ay isqabsan jireen gudoomiyaha iyo madaxweynahu ama Raiisal wasaaraha iyo madaxweynaha waxaana lays waydiinayaa cida ku adkaandoonta dagaalka bilaabmay ee u dhexeeya labada Shiriif,
iyadoo la wada og yahay inuu Shariif Sakiin yahay nin ku dheereeya arimahan oo kale isagoo ka soo talaabsaday dhibaatooyin badan oo ka dhacay wadanka Soomaaliya waxaana la filayaa inuu Shiriif Xasan u sharaxan yahay madaxweyne nimada Soomaaliya,waxaa kale oo la sheegayaa inay taageerayaan qaarka mid ah dawladaha faragalinta ku haya wadanka Soomaaliya,Shariif Sakiin ayaa lagu eedaynayaa inuu ka dambeeyey dilkii foosha xumaa ee ay ku dhinteen dadkii uu ka mid ka ahaa allah ha u naxariiste e Prof.Ibraahim Cadow iyo waliba qaraxii lala beegsaday Cabdilaahi Yuusuf ee ka dhacay magaalada Baydhaba sanadkii 2006 kii iyo waliba isku daygii lagu doonayey in lagu iibsado Badda Soomaaliya,waxaa kale oo la hadal hayaa in sirdoonka wadanka Eritrea ay ku raadjoogaan Shariif Sakiin oo ay ku tuhmayaan inuu sir badan u gudbiyey wadan ay colka yihiin ee Ethiopia.
www.Buhodlepost.com by Abdirahman Ahmed