|

BIYAHAA AAN HORRAANTOODA ARKAA DABADOODU WAA CARAQ! (SHIRKA LONDON TABIHII CALI KHALIIF


SCW. Ka gadaal fashilaaddii Hoggaankii Nairobi lagusoo dhisay uu ku hungoobay labadii qodob ee aasaaska looga dhigay ee ahayd midnimo iyo xorayn, waxa degaanka hawd (Gobolka Cayn) ka hirgalay midnimo iyo is aamminaad ay sal u ahayd inay gacnta kuqabteen raggii taladu ka go’i jirtay oo muddo sannad ah ay taladii ka khalkhaliyeen qoladii hoggaanku ama sida dadka qaar ugu yeedhan “kooxda luggooyo”.

Arrintan midnimada waxay suurto gelisay inay reer Buuhoodle (Gobolka Cayn) ay jilibka udhigeen Goonnigoosatada Soomaalidiidka Dirta Waqooyi oo Siilanyo horjoogaha uyahay. Waxay kaloo yididiilo gelisay in reer Nugaaleed ay boodhka iska jafaan oo u tafoxaytaan siday ugu dayan lahaayeen Walalahooda reer Caymeed ee muujiyey midnimada iyo dhabar adayga. Waxa debed iyo gudaba Dhulbahante gashay yididiilo aan xeelad siyaasadeed ku lammaanayn, waxay ogaadeen sida keliya ee lagu midoobi karaa ee cadowga laysaga kicin karaa inay tahay sidii awoowayaashood Dhulkan ku hanteen kulana baxeen magaca miisaanka weyn ee “DHULBA-HANTE” . Reer Buuhoodle waxay meel iska dhigeen nin siyaasad doonaya oo awr ku kacsanaya run ahaantiina marka laga reebo labadii sannadood ee ugu danbeeyey ee kooxda Nairobi wareerisay taladaasii waa tay ku badbaadeen mudadii dawlad la’aantu jirtay. Taladaa waxa aabbe u’ahaa nin garboodkooda shacabkuna wuu kaga danbeeyey. Hormuudyadoodu waxay ahaayeen Garaad Cabdullahi Soofi, Maxamuud Xaaji Cumar, Boqor Dabagooye, Garaad Saleebaan Buraale, Suldaan Siciid iyo guddi odayaal ah oo gole ahaan udhisan. Waxa ka marag kacaya odayadan waxtarkooda iyo doorka ay Bulshada ku eeyihiin .

1) Midnimada ka jirtey Buuhoodle iyo sidaan marna loosoo hawaysan dhibkii ka yimaaddana ay uxakamayn jireen ugana badbadeen cadowga Ethiopia ee maalin walba soomaalida kale ku laynaya xuduudaha iyo gudaha fog ee Soomaaliya. Iyo inaan Soomaalidiidku soo hawaysan.
2) Siday uga feejignaadeen in degaankooda ay kooxaha argagixisadu saldhigyo ka dhigtaan.
3) Waxa kaloo ka markhaatiya muddadii Kooxda Nairobi (Hoggaanku) isku dayeen inay inqilaabaan oo talada kala wareegaan khalkhalka ku dhacay reer Buuhoodle ee sida sahlan ay isugu dhaceen Ethiopia, iyo siday markay aragtay Goonnigoostada Soomaalidiidku kala daadsanaanta ka jirta ay markii koowaad usoo holliyeen Buuhoodle.
4) Iyo markay mar labaad taldii gacantooda kusoo celiyeen siday umideeyeen bulshadoodii cadowgiina ay qiilqiil ugleiyeen dibna ay imminka qorulugud ugu laabteen.
5) Arrimahan waxa ka marag kacaya kaalinta odayada sida waraysigii ina kaahin sirdoonka Daraawiisheed (Kabajaqaf,ama Dhuuhe) ay ka duubeen uu ku caddeeyey markuu lahaa “Afar nin baa reer hawdka noogu daran oo ah Garaad Soofe, Garaad S. Buraale, Suldaan Siciid iyo Maxamuud Cameey”.
Waxa hawd ka jirey ismaamul qabiileed isu dheelli tiran (Balanced Tribal Governance) lehna xeer qabiil soo jireen (Respected Customary Law).

Haddaba markan ugonda dego dulucdayda, salna aan dooddayda uga dhigo laba arrimood ; labadana waxaan ku tusaale qaadanayaa Buuhoodle/Cayn ;Dhulbahante iyamaa usahlan inay cadowga iskaga kiciyaan dhulkoodana kuhantaan :-

Inay talo qabiil midnimo kuraadiyaan sidaa ka dhacday Cayn?
Iyo inay daba galaan niman siyaasad madax martay oo danta kursigooda iyo tanqabiiku iska hoosgashay? Tusaaleheedana aan usoo qaato iyana Buuhoodle iyo khalkhalkii kursidoonka (Hogganka/Loggooyo) siyaasigu geliyey, sidii Laascaanood lagu qabsaday iyo kala daadsanaanta Nugaal ka jirta inkastoo diyaar garow yididiilo wata aan maalmahan ka maqlayo.
Geba gebadii shirka London lagaga baaqay waxaan maqlay wargaysyadana ka dheegtay (Leaked Emails) in fikirkeeda uu lahaa Dr. Cali Ciise ujeeddadana sida laga soo xigtay waxay ka dhalatay ka gadaal shir uu Cali “aqoonyahan” Soomaaliyeed ugu qabtay Jabuuti ayaa lays weydiiyey; waa maxay waxa hortaagan wax wada qabsi Somaliland iyo Puntland dhexmara? Maxayse colaaddu uga aloosan tahay dhexdooda? Jawaabtay heleen waxay noqotay ; Dhulbahantaa labada maamul ka dhexeeya oo laysku haystaa meeshuu ka tirsanaan lahaa! In kastoo aan uhaysto inay arrintu intaa ka qoto dheertahay oo waxa laysku haystaa iyo colaaddaasi tahay midnimada Soomaaliya iyo kala go’eeda. Dhulbahante yahay furaha midnimada Soomaliya (determinant factor ) waxa ay udhimanayaan ama colaada loogu hayaana tahay sababtaa. Haddaba aan dib ugu labtee shirkaa waxa Dr. Cali Ciise usoo baxday in arrinta Dhulbahante xal loo helo. Dr. Cali inay arrintani ka tahay damqasho uu ka damqaday dhibka Dhulbahante markii koowaad iyo in ay ka tahay inuu shaqo abuuris usamaysto dhaqaalena ugaga faa’iidaysto hayaddiisa (HESPI.org) iyana waa su’aal aan udaynayo waqtiga iyo akhristayasha.

Haddaba waxa Dr. Ali Ciise arrintii xal uraadintu lasoo gashay Dr. Cali Khalif oo isagu sidaan qoraal hore kusifee(riix halkan) yey ah nin fursadaha gaada oo dhexda ka qabsada isaguse aan abuurin. Dr. Khaliif markuu arkay fursaddan wuxuu markiiba la wareegay sidii arrinkan loo maarayn lahaa hadafkiisana uu udhexgelinlahaa. Wuxuu markiiba la bilaabay wada tashi raaskiisa wuxuuna ka dhaadhiciyey fursaddani anay tahay tii lagu sixi lahaa wixii ka khaldamay “Hoggaanka” wuxuu kaloo gacanta kudhigay Garaad Jamaca Jaamac Siyaad siduu arrinkan ugelin lahaa isagoo kulamo kula qaatay USA iyo UK. Dabadeedna Imaradkuu raggii ujoogay arrinkan geliyey, markuu intaa isku soo xidhay ayuu bilabay Dr. Khalif inuu guddigii hoggaanka oo uu hoggaamiyo Maxammed Cabdiraxmaan oo ah ninka kala tuuray ee wiiqay Jaaliyaddii UK ee Dhulbahante hoggankana isku deyey inuu afduubo dadkoo dhan, ayuu Cali yidhi halkan (LONDON) shirka inoogu qabo oo ergooyin aynu isku fikir nahay inoo soo xul. Sidii baa dhacday waxase cabasho ka muujiyey odayo miisaan ku leh Jaaliyadda una badan aqoonyahanno. Odayadani waxay qabteen kulammo ay uga danlahaayeen bal sidii looga wada tashan lahaa shirkan iyo inay ogaadaan shirka loogu magacdaray “shirka aqoonyahannada Dhulbahante” in ergooyinka loogu xusho rag mafrishyada ku habsaamay oo badankoodu aanay aano u ahayn aqoon iyo aqoonyahan-toonna.

Dr. Cali Khaliif markuu odayadan maqalay wuxuu bilaabay inuu kala qaybiyo oo gaar ula shiro intii “Axmed Garaad-ka ahayd” isagoo ay dhinac fadhiyaan Axmed Sancad, Doxore, iyo Maxammed C/raxmaan. Ujeeddada waxa loo malaynayaa inay ahayd inuu kala shaki geliyo odayada isu xilqaamay inay shirka badbadiyaan.Si kastaba ha’ahaatee odaydii isu soo noqde waxayna go’aansadeen inay Dr. Cali Ciise latashadaan. Dr.Cali wuxuu yidhi “waan maqlay inshirkii la majaro habaabiyey” waxaad samaysaan dib isugu noqda reer UK waxaad ku wada raali tihiin keena hadaad waydaana anigu sidan kaga qaybgelimaayo shaqona ku darsanmayo shir laysku khilaafsanyahay.

Odayadii waxay go’aansadeen bal inay arkaan raggii shirka tuurta ku watay oo Maxammed C/raxmaan budhtuuraha u’ahaa waxase tiraba saddex kulan oo dhacay sidaad warbaahinta ka’aragteen ka dhacay gacanqaad, iyo aflagaaddo qoladii tuurta wax ku wadatayna waxay yidhaahdeen sidoodii “Cidna loo joojinmaayo” shirkanina waa dhacayaa. Waxa kaloo jirtay in kulan Dr. Cali Khaliif goobjood ka ahaa laysku fara saaray oo loo hanjabay nin yidhi war bal aynu shirka ka wada tashanno oo reer London ahaan wax iskaga ogaanno illeyn imminka kamaynaan tashane sidaynu uqaban lahayn iyo cidda inooga qayb gelaysa iyo guddiga qabanqaabinaysaba’e haddii cid laynooga baahdee.

Waxaan ku soo laayey shirkani wuxuu iila egyahay wax kastaba Cali Ciise haka lahaadee shir u’afduuban Cali Khalif iyo koox uu isagu magacawday ujeeddada laga leeyahayna maa’aha tii laga rabey ee ahayd ama in Dr. Cali Ciise Hay’addiisa sumcad iyo lacag ugu sameeyo ama inuu ku badbaadiyo xalna uhelo arrimaha murugsan ee Dhulbahante. Waxa la yaab leh intaa Dr. C. Khalif ololaynayo oo marba reer shirano iyo hadhaadigii Nairobi maan maqal Dr. C. Ciise oo cid ama Jaaliyad kala shiray ama u’ololaynaya shirkaa uu isagu hindihiisa lahaa. Imminkadan aan qoraalkan qorayo Dr. C. Khaliif wuxuu arrimaha shirkan ololihiisa kula shirsanyahay Nairobi isaga iy Garaad Jaamaca G. Cali, Baashe Maxammed Cadde (Isxambaarka Somalidiidka) iyo Khurushoof Yuusuf gurey.

Waxaan kusoo afmeeray shirkani wuxuu iila egyahay; TAB KA MID AH TABIHII CALI KAHLIIF. WALLEE BIYAHAA AAN HORRAANTOODA ARKAA DABADOODU WAA CARAQ.

Axmed Cali daajiye@yahoo.com

Fikrad Ka Dhiibo