Dhoobleey:- Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni oo dagaal kula wareegay Dhoobleey
Dhoobleey:-Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni oo iskaashanaya ayaa maanta weerar xoog leh ku qaaday magaalada Dhoobleey ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose iyagoona magaalada ka saaray Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta uu socda ku dhowaad Shan Saacadood oo xariir ah islamarkaana hub culus dagaalka leeysu adeegsaday.
Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni ayaa magaalada ka weerar dhowr jiho, waxaana ka hor inta aynan dagaalka foolka ah bilaabin magaalada ku garaaceen madaafiic sida wararka ay xaqiijinyaan.
Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka ay ka qeyb qaateen diyaarado Helicopter ah kuwaasi oo markii uu dagaalka biloowday dul heebaabayey magaalada dusheeda.
Sidoo kale Ciidamada Dowladda ayaa watay taangiyada dagaalka, waxaana ay ka soo talaabeen xadka dalka Kenya, waxaana ciidamada Al Shabaab ay u firxadeen dhanka degaanka Qooqaani.
Saraakiil u hadashay Dowladda iyo Raaskambooni oo dagaalka hogaaminayey ayaa sheegaya in haatan magaalada ay joogaan xaalada ay degan tahay, waxa ayna beeniyeen in dagaalka uu xoog lahaa, iyagoona tilmaamay in si fudud magaalada ay ku qabsadeen.
Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni ayaa marar badan weerar ku qaaday Dhoobleey si ay gacanta ugu dhigaan hasa ahaatee ku fashilmay, waxaana Al Shabaab Degmadaasi markii hore mud hada laga joofay ku dhowaad labo Sano kala wareegaan ciidamada Raaskambooni ee uu Hogaamiyo Axmed Islaam.
www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com