|

SHirka somalida oo lagu qaban doono kenya oo dhici doona 12ka iyo 13ka bisha April 2011

Dowladda Federaalka iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka Hor yimid Shirka Nairobi -

Ergeyga Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in kulankii “wada tashiga uu Nairobi ka dhici doono April 12 iyo 13, wuxuu ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay ka soo qaybgalaan kulanka,” sidaas waxa uu ku caddeeyey warsaxaafadeedka hoose
Nayroobi, 1da Abriil 2011 – Ka dib markuu maanta shir la qaatay koox muhim ah oo ka mid ah saaxiibada gobolka, bulshada caalamka iyo dhinacyada kale ee ay arrintu khusayso, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Augustine P. Mahiga, sheegay in kulankii qorsheysnaa ee wada tashiga ahaa Heerkiisuna Sareeyay uu ka dhici doono magaalada Nayroobi 12ka iyo 13ka bishan Abriil. Sidaa darteed, wuxuu ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay ka soo qaybgalaan kulanka.

Sida uu qabo Heshiiskii Jabuuti, waxaa waajib igu ah inaan fududeeyo sidii uu wadahadal ku dhexmari lahaa hay’adaha iyo madaxda Soomaaliyeed. Hadaba waxaan ku guubaabinayaa dhammaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay muujiyaan sida ay u doonayaan inay u horumariyaan geeddi socodka nabadda, ayna ka soo qaybgalaan kulankan”, ayuu yiri Danjire Mahiga.

Ujeeddada ugu muhimsan ee kulaku waa dib u soo nooleynta sidii uu wadahadal u dhexmari lahaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, si ay aragti midaysan uga yeeshaan habkii horay loogu socon lahaa. Kulanku waa mid wadatashi, wax go’aan ahna laguma gaarayo. Bulshada Calamku waxay kulanka u iman doontaa oo keliya goobjoog ahaan, kamana qaybgeli doonto. Waxayna muujinayaan taageerida ay u hayaan wadatashiga waxayna fikrad cad ka qaadanayaan hawlaha laga sugayo hay’adaha kala duwan ee Soomaaliyeed kuna aadan habkii ay xilliga kalaguurka ugu soo afjari lahaayeen hanaanka ama habka hadda jira, taasoo ku saleysan Axdiga Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo Heshiiskii Jabuuti.”

Kulankani wuxuu madaxda Soomaaliyeed siinayaa fursad ay isku dhaafsadaan xogta ku saabsan sidii waddamada gobolka iyo bulshada caalamkaba ay u taageeri lahaayeen hawlaha kalaguurka. Sidoo kale Kulankan wuxuu u gogol xaadhayaa dib u soo nooleyta Guddigii Heerka Sare, kaas oo qayb ka ahaa Heshiiskii Jabuuti, laguna hormarinayo wadahadallada, wadatashiga iyo dibuheshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, waxaana wada shirguddoominayaan Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka.”

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133 Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org

Dowladda Federaalka iyo Dowladda Jabuuti oo ka Hor yimid Shirka Nairobi

Sidoo kale waxaa shirkaas ka hor yimid , Soomaaliland

Qaramada Midoobey ayaa lagu waramayaa in ay qorsheyneyso shir balaaran oo la isugu keenayo Dowladda Federaalka iyo maamulada soomaaliya ka jira kaas oo bisha April laguwado in uu ka furmo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa socdaalo ku tagay qaar ka mid ah Maamulada soomaaliya ka jira, sidoo kale waxa uu kullamo Magaalada Muqdisho kula qaatay Madaxda Dowladda Federaalka, waxaana la sheegay in uu gaarsiiyey waraaqaha caasuumaadka shirka ka furmaya dalka Kenya oo uu ku sheegay in looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Golaha wasiirada Dowladda Federaalka oo kullan qaatay dabayaaqadii bisha March ayaa sheegay in aysan ka qaybgeli doonin shirkaasi, waxayna ku tilmaameen in shirkaasi yahay mid waqtiga looga luminayo ummadda Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in taa bedelkeeda loo baahan yahay in laga hadlo sidii dadka Soomaaliyeed dhibaatada uga bixi lahaayeen isla markaana kuwa abaaruhu ku dhaceen loo gaarsiin lahaa gargaar, Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ayaa tibaaxay in qorsheynayaan in ay kullamo la qaataan Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada si looga arrinsado xaaladda Soomaaliya intii ay ka qaybgeli lahaayeen shirka Kenya lagu qabanayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa isna mar uu u waramay saxaafadda waxa uu sheegay in la soo gaarsiiyey waraaqaha shirka balse ay ka fariisan doonaan ayna qaadi doonaan wixii talaabo ah oo ay u arkaan in ay dan ugu jirto Dowladda Federalka.

Dowladda Jabuuti ayaa iyana gaashaanka u daruurtay ka qayb-qaadashada shirkaasi lagu wado in uu ka furmo dalka Kenya, Wasiirka Arrimaha Diinta ee Jabuuti Maxamuud Cabdi Suldaan ayaa sheegay in ujeedada shirkaasi tahay in lagu xagal-daaciyo dadaaladii Jabuuti ee lagu soo dhisay Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya isla markaana Jabuuti ay garab taagan tahay Dowladda hadda jirta loona baahan yahay in iyada la taageero si ay u hanato dalka waxna uga qabato dhibaatada jirta, laakiin waxa uu sheegay in haddii shir kale lagu dul furo taasi keeneyso in majaraha laga lumiyo hanaanka geedi socodka nabadeed ee hadda bilowday sida uu sheegay.

Maamulka Somaliland oo lagu casuumay shirkan lagu wado in uu April ka furmo Nairobi ayaa war ka soo baxay waxay ku sheegeen in aysan ka qaybgeli doonin shirkaasi iyagoo tilmaamay in aysan jirin wax dan ah oo ugu jira ka qaybgalka shirkaasi.

Isku soo wada duuboo Dowladda Federaalka iyo maamulada dalka ka jira ayaa u muuqda in aysan u cuntamin shirkaan ay ku baaqday Qaramada Midoobey sidoo kale qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo u waramay Wargeyska Aragtida Waddaniga ayaa sheegay in loo baahan yahay in wixii dib u heshiisiin ah lagu qabto dalka gudihiisa isla markaana aysan waxba soo kordhineyn shirarka dibadda lagu qabto madaama dhowr jeer oo hore dibadda shirar lagu qabto ay noqdeen kuwo fishilmay.
Admin—Abdirizak Kaneec

Fikrad Ka Dhiibo