3 April: Xulka Wararka Caalamka
Xukuumada dalka Japan ayaa sheegtay in ay ku qaadan doonto dhowr bilood joojinta shucaaca ka dhashay qaraxii nucliyeerka kaas oo noqday masiibo ku dhacda deegaanka uu qaraxaasi ka dhacay.
Qaraxa ku dhacay warshadaha soo saara quwada nucliyeerka Japan ayaa isagu ka dhashay dhulgariir ku dhuftay cariga Japan halkaas oo ay ku naf waayeen kumanaan qof oo ah halka tiro intaas ka badana la layahay.
Wararkii ugu danbeeyay ee deegaanka qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ee ku sugan halkaasi ay heleen meydadka qaar ka mid ah shaqaalihii warshadaha wax soo saarka quwada nucliyeerka ee gobolkaas.
Japan ayaa wado dadaalo xoog leh oo lagu doonayo in lagu joojiyo biyaha sumeysan ee ka imaanayo goobaha uu qaraxu ka dhacay iyaga oo ku shumaya badweynta ku hareeraysan Japan.
Caqabada ugu weyn ee hortaagan xukuumada Japan ayaa ah joojinta biyahan ku shumaya xeebaha Japan kuwaas oo masiibo hor leh abuuri karo.
Qaraxan ku dhuftay goobaha ay ku yaalaan warshadahan nucliyeerka ayaa ahaa mid masiibo halis ah ka dhaliyay dalka Japan mudo sadex asbuuc ka hor ah.
===============================================================================
Doorashooyinka Dalka Nigeria oo dib loo dhigay
Lagos(Buhodlepost)- Xukuumada Nigeriya ayaa sheegtay in ay qaban doono doorashooyinka ku soo fool leh maalinka isniinta taas oo dad badani rajo weyn ka qabaan in ay markani wax weyn iska badali doonaan hababkii doorashooyinka Nigeria u dhici jireen.
Doorashadaan ayaa ah mid il gooni ah lagu fiirinayo kadib markii isbadal weyn lagu sameeyay hababkii hore ee doorashooyinka Nigeriya u dhici jireen kuwaas oo mar walbaa lagu eedeyn jiray in ay ku salaysnaayeen musuq maasuq iyo iyada oo xukuumadu si bareera ah ugu shubato codadka shacab weynaha Nigeriya.
Dadka reer Nigeriya ayaa iyagu rajo weyn ka qaba doorashada hada ku soo fool leh kadib markii la helay gudoomiye hor jooga doorashooyinka dalka kaas oo si weyn u doonayo in uu wax ka badalo qaabka ay doorashadu u dhici jirtay.
Doorashada oo ku beeg need maalinki shalay ahaa ayaa dib loo dhigay kadib markii la waayay qalabkii lagu codeyn lahaa oo laga soo dhoofinayay dalal kale balse ay diyaaradaha dalka Nigeriya ku guul dareysteen keenista qalabkaas maalinkii shalay ahaa.
Malaayiin qof oo tiro ahaan gaareysa ugu yaraan toban milyan ayaa isugu soo baxay caasimada dalka Nigeriya ee Lagos si ay codadkooda oga dhibteen doorashada balse dib ugu laabtay guryo hooda kadib markii loo sheegay in doorashadu dib u dhacay ilaa malinka isniinta ah.
Waxaa kaloo xukuumadu sheegtay in dhamaan la joojin doono xiliga ay doorashadu socoto dhamaan socodka diyaaradaha imaanaya dalka Nigeriya sababo la xiriira sugida amaanka dalka Nigeriya.
===============================================================================
Xulka Wararka Caalamka
Buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com
Tags: doorashooyinka nigeria, Japan, nigeria, qaraxa dhulgariirka japan, Tokyo