|

Cabdi Rashiid Xidig “qabashada Dhoobley Wax weyn ma ahan hamigeenu waa in aan Kismaayo qabsanaa”.

Dowladda KMG ah ayaa faah faahin ka bixisay dagaaladii cuslaa ee shalay ka dhacay degmada Dhoobleey iyo lawareegistii ay ciidanka dowladda iyo kuwa kale oo lasaf ahaa lawareegeen gacan ku heynta Dhoobleey.

Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga dowladda KMG ah Cabdi Rashiid Xidig ayaa shaaciyay in dagaalkii shalay ay kala qeyb qaateen diyaarada dagaal iyo taangiyo uu sheegay in ay ahaayeen kuwa diidan cadawtooyada shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Cabdi Rashiid Xidig wuxuu faah faahiyay qaabkii ay ula wareegeen Dhoobley iyo talaabada xigta oo ay u qaadi doonaan dhanka Jubbooyinka “Cadawga Shabaab cid walba ayaa naga gacan siineysa ladagaalankooda way jirtaa in aalado dagaal oo casri ah lagula dagaalamay laakin taasi macnaheedu maahan in aan hub halis ah adeegsanay ee waan u awood sheeganay”ayuu yiri Xidig.

Wasiir Ku xigeenka ayaan wax weyn kasoo qaadin qabsashada Dhoobley oo u sheegay in ay tahay magaalo yare balse iyaga ay u qorsheysantahay in ay socdaan ilaa ay ka qabtaan Kismaayo iyo Afmadoow.

“Qabsashada Dhoobley macna weyn ma yeelanayso anaga waxaa noo qorshaysan in aanan hakan ilaa ay ciidanka qaranka Soomaaliyeed wadanka oo idil ka saaraan xarakada Al Shabaab” sidaas waxaa yiri Xidig.

Admin

Fikrad Ka Dhiibo