|

Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul Goboleedka cusub ee Azania oo maanta loo dhaariyay Prof. Gandi (Warbixin)

Magaalada Limuru ee dalka Kenya ayaa waxaa kusoo gaba-gaboobay shir beryahaanba halkaas ka socday oo maamul goboleed loogu sameynayo gobolada Jubbooyooyinka iyo Gedo.

Maamul goboleedkaas oo loo bixiyay Azania ayaa waxaa madaxweynihii ugu horeeyay muddo 5 sano ah maanta loogu dhaariyay Prof. Maxamed Cabdi (Gandi) oo horay u ahaan jiray wasiirka Gaashaandhigga dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Wararka AOL kasoo gaaraya caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaya in halkaas lagu ansixiyay 3 gole oo kala ah: Golaha Baarlamaanka oo ah 65 xubnood, balse la sheegay in lagu wado in la gaarsiiyo 75 xubnood, Golaha Wisiirada oo 10 xubnood ka koobnaan doona iyo golaha guurtida oo 35 xubnood ka koobnaan doona.

Maamulkaan cusub ee Azania ayaa la sheegayaa in ay magaalo Madax u noqon doonto magaaalda Bu’aale.

Dhanka kale, marka la fiiriyo miisaanka uu leeyahay shirkaas, sida qaabeysan ee loo soo agaasimay, marti sharafta lagu macsuumay in ay caleymo saarka maamul goboleedkaas goob joog u ahaadaan iyo waliba eray bixinta magaca maamulkaas ee Azania in ay qorshahaas si weyn uga danbeyso dowladda Kenya oo iyadu muddo dheer xusul duub ugu jirtay sidii ay xuduudda dalkeeda uu la leeyahay Koofurta Soomaaliya ugu wareejin laheyd DEYR ADAG (buffer zone) oo ay uga bad-baado duulaan kasta oo Soomaaliya uga imaan kara & waliba haddii ay u suurtagasho oo ay fursadaas soo marto in ay hesho sidii ay saami culus uga heli laheyd hantida dayacan ee bad iyo bariba leh ee dalka Soomaaliya.

Dadka siyaasadda Soomaaliya indha-indheeya ayaa walaac weyn ka muujinaya qatarta ka dhalan karta dagaal hor leh oo dhex mara bulshooyinka Soomaaliyeed ee dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo aan intooda badan laga tala galin raalina ka aheyn maamulka afduubka ah ee ay Prof. Gandi iyo dowladda Kenya sida fudud uga dhawaaqeen gudaha dalka Kenya.

Magacaan cusub ee Azania ayaa ah mid aad u fac weyn oo xiligii boqortooyadii Roman-ka loo yaqiinay deegaanada Koofurta Bari ee Soomaaliya oo ah halka hadda loo yaqaan Jubbaland ilaa iyo dhulka koofurta ka xiga oo gaaraya Tanzania.

Taas macnaheedu waxaa weeye, in kasta oo uu macnaha eraygaan fara badan yahay xiliyo iyo wadamo kala duwana la isticmaali jiray, haddana waxaa cad in Prof. Gandi iyo ragga magacaan la xulayba ay soo qaadashada magacaas macno weyn ugu fadhiso.

Durbaba dad badan oo Soomaaliyeed iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka biyo diiday abuuritaanka maamul goboleedkaas oo ay in badan u aragto in lagu deg-degay ujeedooyin qarsoona laga leeyahay, ayada oo waliba ay in badani isweydiineyso sababta keentay in deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo loo bixiyo Azania oo ah magac Qarniyo ka hor loo yaqiinay deegaanada u dhaxeysa Jubbooyinka Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania
Amin

Fikrad Ka Dhiibo