|

C/raxmaan C/shukuur Muuse Suudi iyo xildhibaano kale oo ka biyodiiday magacaabista ruugcadaaga Prof.Ilkaxanaf

XIldhibaan SOO Ma Hoyde

C/rixmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in caydiid Ilka Xanaf loomagacaabay sidii loogu baabi’in lahaa dhamaanba Hay’adaha Garsoorka.

Xildhibaankaankaan ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Caydiid Ilka Xanaf uu horay u ahaa nin madaxwaynaha dowlada KMG u gudbiya fikiro qaldan.

“Caydiid Ilka Xanaf ayaa ahaa seefta haatan ladoonayo in dhamaanba qoorta looga jaro hay’adaha garsoorka isla markaana loo adeegsado”ayuu yiri xildhibaan C/rixmaan C/shakuur.

Hadalka xildhibaan C/rixmaan C/shakuur ayaa waxa uu imaanayaa xili gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dowlada KMG Soomaaliya loo magacaabay in uu noqdo Caydiid Ilka Xanaf.

Madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya oo ka hadlay Xafladii lagu dhaarinayay gudoomiyaha Maxkamada sare ayaa waxa uu sheegay in Abuukaate Caydiid ilka Xanaf uu noqday ninka ugu wanaagsan oo haatan xilkaasi loo dhiibi karo isla markaana aqoon balaaran u leh howshaasi.

Haatan ayaa waxaa jira qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya oo ka soo horjeeda gudoomiyaha Maxkamada sare ee dowlada KMG Soomaaliya.
prof. Caydiid C/laahi Ilkaxanaf waa garyaqaan ruugcadaa ah oo mudo ku soo jiray hawlaha garaha shuruucda aduunka wuxuuna ka qayb galay garnacsiyo badan oo ka dhacay caalamka kuwaas oo ku saabsanaa xuduudaha gaar ahaan Jarmalka, China iyo Uk wuxuuna ka mid yahay xildhibaanada Soomaaliya waxaana xubin ka soo gasha baarlamaan magaalada Berbera wuxuu ka mid ahaa xubnihii sida aad ka uga soo horjeestay isku daygii badda Soomaaliya lagu doonayey in lagag iibiyo wadanka Kenya oo uu saxeexay C/raxmaan C/shukuur oo ahaa wasiirka Qorshaynta iyo xidhiidhka caalamka, C/raxmaan C/shukuur oo lagu tilmaamo inuu daaqad ka soo galay siyaasada Soomaaliya isagoo mudo ku noolaa wadan UK ayaa markiiba isku qaaday saxeexa caqlixumo ah oo badda Soomaaliya loogu wereejiyey wadanka Kenya,C/raxmaan C/shukuur ayaa lagu naanaysi jiray sanado ka hor “Soo Ma hoyde”wuxuuna ka mid ahaa dadka rid liga ku ah marfashyada Uk.

www.buhodlepost.com By Abdirahman A. Aden

Fikrad Ka Dhiibo