|

Wiilka Qadaafi oo lagu Qal-qaalinayo inuu M/weyne Liibiya ka noqdo Aabihiisna si nabad-gelyo ah xilka ooga dego

Kadib markii ay Reer Galbeedka ku adkaatay inay awood ku maquuniyaan Ciidamadda Qadaafi,ayaa waxaa hadda socdo qorshe la doonayo in lagu qanciyo Hogaamiyaha Liibiya Mu’amar qadaafi inuu xukunka ku wareejiyo Dawlad ku-meel-gaar-ah oo wiilkiisa Seef Al-islaam Madaxweyne ka yahay,halka mucaaradkana la sinayo jagada Reysalwasaaraha,kaiibna Qadaafi uu xilka si sharaf leh ooga dego,isagoo markaas loo aqoon-san-doono Hogaamiye-Sharaf-leh
Qorshahan aya waxaa dabada ka riixaya Sirdoonadda Mareykanka iyo Ingiriiska oo kula taliyay dawladahooda, maadaama dagaalka Liibiya uu madaxa lagalay bishii labaad,lana filayo inuu sanado sii socda hadii aan la helin xal-siyaasadeed,waxayna talo ku soo jeediyeen in la taageero qorshaha ay ku doonayaan in xilka Madaxweynaha Dalka Liibiya loo caleemo-saaro Seef-Al-Islaam oo ay sheegeen in laga iibin-karo siyaasadihiisa Reer Galbeedaka,maadaama uu muddo deganaa Magaalada London,halkaasna ooga soo baxay Jaamacad.
Mucaaradka Liibiya ayaa arintan ka hor-yimid waxayna ku adkeysanayaan in Qadaafi iyo wiilashiisaba aan lagu aamini-karin hogaanka-sare ee Dalka Liibiya,waxayna arin lala yaabo ku tilmaameen in Reer Galbeedkii la filayey inay xoog ku tuuraan Qadaafi ay la timaadeen qorshe xilka Madaxweynaha Liibiya loogu caleemo-saaro mid ka mid ah Wiilashiisa.
Xukuumadda Liibiya ayaan ka hadal,inkastoo magaalada Athenes ee Caasimadda Dalka Giriiiga ay soo gaareen Koox ergo ah oo uu hogaaminaayo sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya Abdul Ati al-Obeid ayaa ku sugan dalka Giriiga, eragada waxaa soo direy Hoggaamiyaha Liibiya Mucamar al-Qaddafi waxayna kala hadlaayaan habka ugu wanaagsan oo rabshadaha iyo dagaalada ka taagan dalka Liibiya looga bixi karo
Lama yaqaan in Seef-Al-islaam aqbali-doono qorshaga Reer Galbeedka inkastoo la saadaalinayo inuu ka gaws adeegi-doono qorshahan,maadaama mucaaradka ay shuruud ku-xireen in Dalka Liibiya isaga huleelaan dhamaan Reer Qadaafi iyo inta ku wareegsan

www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo