|

Faahfaahin Sarkaal Maanta Lagu Dilay Bartamaha Magaalada Garowe

Waxaa maanta bartamaha magaalada Garowe si bareer ah loogu toogtay Sarkaal u shaqeynayey Hay’ada Cilmi baarista Puntland ee PDRC iyo dhowr qof oo kale oo ka agdhowaa aaga lagu dilay Sarkaalkaasi.

Madaxii maamulka iyo maareynta ee Hay’ada PDRC Maxamed Yaasiin Ciise (Ilkacase) ayaa u geeriyoodey rasaasta ay ku fureen dabley hubeysan, xilli uu marayey agagaarka xarumaha dowladda Puntland.

Goobta lagu dilay Sarkaalka ayaa ahayd ka soo horjeedka xarumaha Wasaarada Waxbarashada, Maxkamada Sare, Guriga gobolka, xarunta dowladda hoose iyo dhabarka dambe ee Bangiga dhexe ee Puntland iyadoo halkaasi aysan ka fogeyn Aqalka Madaxtooyada dowladda Puntland.

Marka laga tago dilka Sarkaalka PDRC u shaqeynayey waxaa goobta ku geeriyoodey laba ka mid ah ilaaladiisa iyo qof rayid ah kuwaasi oo dhamaantood u geeriyoodey rasaas si arxan darro ah ay ugu boobeen koox maleeshiyaad ah oo magaalada degan.

Marxuum Ilkacase ayaa la sheegay in uu maalmo ka hor ka soo laabtey safar uu ku tagey wadanka dibadiisa, waxaana soo noqoshadiisa uu la kulmay dilkan ay u geysteen koox dabley ah oo sida la sheegay ka soo jeeda gobolka Nugaal.

Dilka Maxamed Yaasiin Ciise ayaa la sheegay in uu salka ku hayo aano qabiil, waxaase jira warar kale oo dadka magaalada Garowe ay isla dhexmarayaan kuwaasi oo sheegaya in dilka marxuumka uu salka ku hayo arimo siyaasadeed.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid ka hadashay, waxaase arintani si weyn looga hadal hayaa guud ahaan magaalada Garowe, iyadoo aysan jirin talaabo wax looga qabanayo dadkii dilka geystay oo dadka qaarkii ay sheegeen in ay yihiin dad la garanayo

Fikrad Ka Dhiibo