|

R/wasaare Farmaajo oo u duulay mag. Nairobi

Ra`iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde Airport.

Wafdiga ra`iisal wasaaraha oo isugu jira masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan ayaa u ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

R`iisal wasaare Farmaajo oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in safarkoodan Nairobi uu ka dambeeyo casuumaad uu ka helay ra`iisal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga, horaantii bishan April.

Ma uusan faah-faahin ujeedka dhabta ah ee safarkan, balse waxa uu sheegay in looga wada hadli doono xiriirka labada dowladooda ee Somaliya iyo Kenya.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan lagu wado in magaalada Nairobi ka furmo shir ay ku baaqday Qaramada Midoobay kaas oo ay diideen in ay ka qeyb galaan xukuumadda ra`iisal wasaare Farmaajo
www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo