|

DEG DEG: Dibadbaxii ugu Weynaa oo lagu Taageerayo Go’aankii Xukuumada Soomaaliya ay ka Qaadatay Shirka Nairobi oo Ka Socda Muqdisho

Dibax kii ugu ballaarnaa oo dhowaanahan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa wuxuu haatan ka soconayaa xarunta Iskuul Boolisiya ee degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.Dibadbaxan oo ay qabanqaabiyeen ururada bulsha rayidka ee gobolka Banaadir ayaa ujeedkiisu yahay in lagu taageero go’aankii xukuumada KMG Soomaaliya ay ka qaadatay shirka uu qabanqaabinayo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga kaasoo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nairobi 12-13 bishan April.

Wariyaha RBC Radio oo hadda ku sugan goobta dibadbaxa uu ka socdo ayaa soo sheegaya in dibadbaxa ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan DKMG, Maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta ururada bulshada rayidka kuwaasoo khudbado ka jeedinaya dibadbaxa.

Sidoo kale, wuxuu wariyaheena soo sheegaya in goobta ay joogaan fanaaniin halkaasi ku soo bandhigaya heeso iyo suugaan looga horjeedo faragelinta shisheeye oo ay sheegeen in ay wadato Qaramada Midoobay.

Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey guud ahaan labada degmo ee Xamarjajab iyo Xamarweyne oo dibadbaxu uu saameeyey.

Dibabaxa maanta ka dhacaya Muqdisho ayaa noqonaya ayaa ku soo beegmaya iyadoo saddex maalmood ee la soo dhaafay dibaxyo kan la mid ah ay ka dheceen magaalooyinka Gaalkacyo, Beledxawwo, Buuhoodle, Luuq iyo Doolow.

Sawiro iyo faahfaahinta khudbahaha dibadbaxan goor dhow kala soco

Fikrad Ka Dhiibo