|

Waxaan hadda u baahanahay waa sanad qura waayo ciidamadeena iyo kuwa AMISOM waxay sameymeeyeen hormar muuqda:Farmaajo

R/wasaraha Soomaaliya Max’ed C/llahi Max’ed “Farmaaajo” oo u waramayay Wakaaladda Wararka ee AP ayaa mar kale ku celiyay in muddo sanad ah uu magaaladda Muqdisho kaga sarayo Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab oo si weyn ula dagaalama dawlada iyo ciidamada Midawga Africa ee AMISOM.
R/wasaare Max’ed C/llahi waxaa uu sheegay in mudada sanadka ah ee dawladiisu qabsatay ay wax badan ka badali doonaan xaaladda wadanka Soomaaliya waxaana uu balan qaaday inay magaaladda Muqdisho iyo wadankaba ay ka saari doonaan dagaalyahanada iyo madaxda Xarakadda Al-Shabab sida uu sheegay wakaalada.
“ Waxaan hadda u baahanahay waa sanad qura waayo ciidamadeena iyo kuwa AMISOM waxay sameymeeyeen hormar muuqda” ayuu yiri R/wasaare Farmaajo uu u waramay wakaaladda Wararka ee AP asagoo ku sugan magaaladda Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
R/wasarahu waxaa tilmaamay inay dajiyeen qorshayaal amaanka wax looga qabanayo si gaar ah diiradda loogu saarayo sidii dalka looga saari lahaa xaaldaha adag ee uu kujiro.
Rasul wsaaruhu waxaa uu sheegay inay ubahanyihiin muddo halsono ah s ciidamdodu ay hormar uga sii sameeneyaan marka laga hadlayo dagaalda ay kula jiraan xogaga ladagaalamaya gaar ahaana kuwa kadhacaya.
Rasul wasare Farmaajo waxa uu leyahay dadku waa ainay fahmaan inagu lama mid aheyn xukumaddi naga horeysay.waxaana hadii aa helno halasono aanu muqdisho kasaari doonaa xarakada alshaaba sida uu ku sheegay rasl wasaare farmaajo hadalka uu siiyey wakalada wararka AP.
Dhinaca kale rasul wasaare farmaajo ayaa waxa uu xusay in marka laga hadlayo I bisha agosta e sanadkana ee ku egatay mudadi ya qaramada midoobay dalbatay in waqtigaas loobaahanyahay in dorasho lagu dhaqaaqi ay taasi keeni karto fursdao baan ay kafaaideysa karaan Xoogaga ladgalamaya.
Waxaaa u soo qaatay rasul wasaaruhu in marka lagahadlayo adegyaa ay qabatay dowlada ay qeyb ka ahaayenladagaalnaka musuqmaasuqa iyo waliba wadooyinka qar oo ay galiyeen leydhadh.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay kaabayaa kudhawaad 9000 oo katirsa ciidamada midowga afrika oo jooga muqdisho ayaa horay uu sheegay inay gacanta kuhayaan labo melood mel kamid aha magalada muqdisho iydoo walina dagaaladu ay yihiin kuwa taagan islamarkaan caasimadda laga maqlo dhawaqa hubka culus ee labada dhinaca ay saacad kastaa isku weydaarsanayaan gudaha magaalda

www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo