LIISKA XUBNAHA KA QEYBGALAYA SHIRKA NAIROBI IYO SIDA LOO QEYBIYEY (Raxanreeb.com oo Heshey Dukuminti)
Muqdisho (BUH) Waxaa markii ugu horeysay warbaahinta Buhodlepost si hoose ku heshey dukuminti qeexaya sida loo qeybiyey ka qeybgalaasha shirka Nairobi ee uu qabanqaabinayo ergeyga Qaramada Midoobay Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga kaasoo ay ku cadahay ergada Soomaalida ee tegeysa shirka.
Wuxuuna liisku u qeybsan yahay sidan:-
Shirka waxaa uu ka dhacaya sida la qorsheeyey deegaanka Simba Lodge magaalada Naivasha, ee wadanka Kenya (Waxaa macquul ah in loo wareejiyo Nairobi).
ERGADA KA QEYBGALAYSA SHIRKA:
DKMG ah ayaa ugu horeysa liiska, waxayna leedahay:
Madaxtooyada (Sheekh Shariif iyo taagerayaashiisa): 4 xubnood ayey ku tegayaan
Xukuumada (Golaha wasiirada iyo raysul wasaaraha): 6 xubnood ayey ku tagayaan
Barlamaanka DF (waxaa hogaaminaya Shariif Xasan): 10 xubnood ayey ku tagayaan
Puntland: 4 xubnood ayey ku tegeysaa
Galmudug: 4 xubnood ayey ku tageysaa
Ahlu Sunna Waljameeca: 4 xubnood ayey ku tageysaa
Somaliland: 4 xubnood ayey ku tageysaa
KORJOOGTADA LAGU MARTIQAADAY:
Djibouti, Midowga Afrika [AU], Masar, Burundi, Uganda, Japan, Talyaaniga, Ethiopia, Jaamacada Carabta, Kenya, Norway, Ururka Islaamka [OIC], Sacuudi Carabiya, Sweden, swirzerland, Ingiriiska, Mareykanka. Dhamaantood waxay yeelanayaan min hal korjooge.
SHIR GUDOONKA:
Shirka waxaa gudoominaya Augustine Mahiga, waxaana caawinaya Mark Bowden oo ah ninka UN u qaabilsan gargaarka (sida ku qoran dukumintiga RBC Radio heley).
UJEEDADA SHIRKA:
Sida ku xusan dukumintiga waxaaujeedada shirka lagu fasiray “wada tashi u dhexeeya Soomaalida” iyo in go’an laga gaaro mudada KMG ah ee dawlada iyo sida laga yeelayo.
CIWAANKA SHIRKA: HIGH LEVEL POLITICAL CONSULTATION ON SOMALIA (wada tashi siyaasadeed oo heer sare ah oo ku saabsan Soomaaliya).
QODOBADA LAGA HADLAYO (AGENDA):
1) Dib u eegis in lagu saameyo waxqabadka dawlada KMG ah iyo
2) hawlaha dhiman sida dastuur sameynta, dawlad wanaaga iyo ammaanka.
3) Heshiisyadii dhexmaray DKMG iyo Puntland
4) Heshiiskii DKMG la gashay Ahlu Sunna Waljameeca
5) Xiriirka DKMG ah iyo maamulada kale
6) In laga tashado qabashada shirkale iyo halkii uu ka dhici lahaa.
YAA BIXINAYA KHARASHKA KU BAXAYA SHIRKA:
Mudada uu socdo shirka oo ah labo maalin waxaa kharashka martiqaadka, hotelada iyo diyaaradaha ergada soo qadaya bixinaya xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS iyo xafiiska QM u qaabilsan taageerada AMISOM.
Waxaa laga tarjumay Dukumuntiga asalka ah (original document) waxaana ku saxiixan Augustine Mahiga, UNITED NATIONS POLITICAL OFFICE FOR SOMALIA [UNPOS].
Tags: LIISKA XUBNAHA KA QEYBGALAYA SHIRKA NAIROBI IYO SIDA LOO QEYBIYEY
xigasho raxanreeb.com