Fadlan Caawi Gabadhan Yar Ee Dhibaataysan Oo Ku Nool Tuuladda Goob Ee Gobolka Cayn(Video))

Gabadhan Yar Ee Dhibaataysan
Fadlan caawi gabadhan yar ee dhibaataysan taasi oo uu hayo xanuun ka haleelay lugaha gaar ahaana seedaha oo aysan oo aysan ka Fadhiisan Karin oo ayna istaagi karin iyadoo ay dhaqaatiirtu sheegeen in an waxba looga qaban karin wadanka gudihiisa islamarkaana ay u baahan tahay caawino bani’aadminimo.
gabadhan yar oo da’deedu tahay hal sanno iyo badh kuna nool tuulada Goob ee gobolka Cayn,islamarkaana aysan istaagi karin xanuunkaas oo ah mid ay la dhalatay islamarkaana aysan jirin ilaa hadda cid haba yaraatee caawisay,hadaba waxaa laga codsanayaa walaalaha muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan inay dar ilaaahay u soo caawiyaaan gabadhan yar oo ay haysato dhibaato xoogan.
Hooyada dhashay ilmahan yar ayaa sheegtay inay muddo badan ku dhibaataysanayd islaamarkaanaanaa waxaa ay ka dalbtaya umadda muslimiinta ah ee ilaahay wax siiyey inay u gargaaraan oo ay ka caawiyaan sidii ay u geyn lahayd dhaqtar wax ka qabta xanuunkan haysta gabadhan yar oo dhibaato ka haysato sidii aay cageheeda iskugu taagi lahayd
Cidii caawinaysa ee gabadhan dhibaataysan fadlan kala soo xidhiidh telefoonadan hoos ku qoran.
+252-24919390 Ama Zaad No: +252-24901183