Mudanayaal Ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta ku sigtay in ay gacanta iskula tagaan ( Daawo Sawirada)




Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa manta ku sigtay in ay gacanta Iskula Tagaan.
Arintaan ayaa waxa ay ka danbaysay ka dib markii xildhibaano ka soo horejeeda Shirka lagu qabanayo magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ay manta kulan Ku yeesheen Hotelka Naasa hablood Labo.
Asaga oo kulanka Socda ayaa waxaa madashii kulanka Soo galay Xildhibaano kale oo daganaa Hotelka kuwaasi oo taageersan Shirka Qaramada Midoobay ay ku qabanayso magaalada Nairobi.
Markii ay soo galeen xildhibaanadaasi ayaa waxa ay bilaabeen in ay shirkii dhex istaageen ka dibna waxaa bilowday Buuq iyo sawaxan waxaana qasmay habsami socodkii shirka.
Xildhibaan Muuse Suudi oo ka mid ahaa xildhibaanadii Taageersanaa kulanka lagu qabanayo magaalada narobi ayaa Istaagay waxa uuna isku dayay in uu makaroofanka qabsado uu uu halkaasi ka hadlo waxaana ka soo horjeestay arintaasi xildhibaanadii hore ee halkaasi ku shirayay.
Intaasi ka dib ayaa waxaa sii laba lixaadsaday buuqii iyo sawaxankii u dhaxeeyay Mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya oo ayagu ku jiray Hoolka Hotelka Naasa hablood labo.
Waxaana Ugu danbaytii Halkaasi ku joogsaday Shirkii hotelka Ka Socday ee looga Soo horjeeday Shirka uu Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya uu ku qaban qaabinayo magaalada Nairobi.
Marka Dhinaca kale laga eego xildhibaanada maanta isku buuqay waxa ay yihiin labo guruub oo kala taageersan Madaxwayanaha Dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo waliba Gudoomiyaha Baarlamaaka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan.







