Ciidanka difaaca Gobolka cayn oo wacad ku maray inay iska difacayan cid kasta oo isku dayda inay khalkhal galiso Gobolka Cayn
shabakada Buhodlepost aya saaka booqtay jiida hore ee Ciidamada Difaaca Gobolka Cayn waxana halka kula kulanay qaar kamida Saraakiisha Ciidamada Difaaca Gobolka Cayn
waxana su.aalo ka waydiinay xalada guud ee Ciidanka iyo DhaqDhaqaaqyada uu ka wado Kayse Cabdi Yuusuf Dagmada WidhWidh ee Gobolka CAYN
su”aal waxaad nooga warantaa xalada guud ee ciidamada jiida hagoogane iyo maygaagle?
J. ciidamadu waa fiican yahiin waxayna ku sugan yahiin goobihii ay difaca kaga jireen intii dagaladu soconayeen.
su:aal goorma ayad ciidamada ka qadaysaan deeganada aad hada ku sugan tahiin oo aad ku celinaysaan xeryahoodii?
j. adeer Ciidamadu waxay joogan xeryahoodii waligoodna way ku sugnan doonan meesha ay hada joogaan dulana maha.
su:aal Taliye ciidanka difaaca Gobolak Cayn ma jirtaa cid uu si toosa uga amar qaato?
J. haa adeer Ciidankan wuxu ka amar qataa Saraakiil u dhalatay Gobolka Cayn Taliska guudna waa wax garadka Gobolka Cayn iyo Odayada.
su”aal Taliye waxaan in badan saxafada ku aragnaa in Jaamhada SSC sheegato Ciidamada jooga aagan iney ka amar qatan arintaa ma jirto miyaa?
J. maya waa jirta maleeeshiyaad tiro yar oo aan anaga wax badan ruuntii nagu kordhin maalmihii dagalada socdeen oo ka mar qataa ragaad sheegayso.
su”aal raagaasi waa kuwee Taliye?
J, nimankad leedahay waxba SSC la dhahaa.
su”aal Taliye maleesjiyadka sidad sheegtay ka amar qata SSC maydinla joogan hada mise waa maqan yahiin?
J. adeer miyadan Rer Buuhoodle ahayn adigu ma waxad aragtay Ciidan SSC oo meel dagan sidad u maqasho ama qofkasta u maqlo ayan u maqalaa anaguna mana ragno.
su”aal waxaa jiraa Taliye in Kayse Cabdi yuusuf iyo maleeshiyaad uu wato joogan Dagmada widhwidh ee Gobolka Cayn lagana soo diray Hargaysaa see arintaa u aragtan idinku
ka ciidan ahaaan?
J, arintaa waxan u aragnaa foowdo iyo khalkhal lagu abuuro Gobolka Cayn wana ka xunahay waxaana ugu baaqaynaa dadweynaha sharafta leh ee Rer WidhWidh inay talaabo dag dag ah ka qadaan arintaas,
su”aal Taliye ma jirtaa talaabo uga qorshaysan Ciidanka Difaaca Gobolka Cayn arimahaasi maxadse u aragtaa inay idinkusoo korhin karto ka Ciidan ahaan?
J Adeerow Ciidanka difaaca Gobolku faraha kama laabn doono cid kasta oo isku dayda inay foowdo ka abuurto Gobolka shaadh kasta ha sidatee waxan ka qadaynaa labo cad,
su”aal ugu danbayntii maxad dadweynaha Rer SSC kula talinaysaan?
J. waxaan dadweynaha SSCugu baqaynaa inay isu tagan difaaca iyo midnimada kana baxaan ruwayada iyo durbanadan ay garacanayan meesha cidlada ah waayo nin jeclaysi iyo khayaamo wata halkaa dhigtay manta taladaii Beesha Dhulbahante.
su”aal Taliye maxad uga jeedaa durbanda iyo ruwaayada lagu jiro?
J. wad ogtahay in Dhulbahante ku jiro ruwaayad iyo durban tumasho an waqtigeediiba la joogin waayo wali ruuntaa lays kala xishoonayaa inta runta lays kala xishoonayana waxaa lagu jiraa ruwaayad,
waraysigan waxaa soo qaday wariyaha noo jooga Buuhoodle
www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com


