|

DOOD FURAN: AKHRISTOW SIDEE U ARAGTAA SHIRKA NAIROBI? (RA’YIGAAGA DHIIBO)

Maalinta berito oo ay taariikhdu tahay Talaado 12-04-2011, waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furmaya shir uu qabanqaabiyey ergeyga UN-ka ee Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga oo masuul ka ah xafiiska siyaasada UN-ka [UNPOS].

Shirkaasi waxaa loogu magacdaray “HIGH LEVEL POLITICAL CONSULTATION ON SOMALIA” oo ah wadatashi siyaasadeed oo heer sare ah oo ku saabsan Soomaaliya”. Wuxuuna soconayaa labo maalmood oo kaliya.

Illaa hadda inta laga og yahay ajendaha shirka waa “wada tashi u dhexeeya Soomaalida”. Waxa ka soo baxayana waxa lagu koobay inay ku xiran tahay waxa ay go’aamiyaan ka qeybgalayaasha shirka.

Dhinacyadii lagu martiqaaday shirka waxaa hadda soo xaadiray Puntland oo ka kooban 4 xubnood, Galmudug oo leh 4 xubnood iyo wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka kooban 10 xubnood.

Xukuumada KMG, Madaxweyne Shariif iyo ururka Ahlu Sunna ayaa ku gacanseyray shirka.

Xukuumada Somaliland inkastoo ay diiday shirka, haddana ma cada in dad magaceeda ku socda ay ka qeybgali doonaan shirka.

Waxaa sidoo kale shirka diiday xukuumada Jabuuti oo kaalin muuqata ku leh siyaasadda dalka, isla markaana dalkeeda lagu soo dhisay dhowr dawladood oo Soomaaliyeed.

Ururu goboleedka IGAD oo qudhiisu taageera DKMG ah ayna ku jiraan wadamada deriska kama qeybgalayo shirka, sida ay xogta ku heshey Raxanreeb.com.

Hase yeeshee waxaa imaanaya madasha shirka dawlado iyo ururo caalami ah sida Midowga Europe, AU, Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka.

Waxaa la isla dhexmarayaa dhowr arimood;-

Dad ayaa leh shirka waxaa lagu dhisi doonaa dawlad cusub oo bedesha DKMG ah.
Dadka qaar waxay sheegeen in shirkan aanu dhaafsiisaneyn wadatashi, kadibna lagu soo ballami doono shir kale oo kan ku xigi doona.
Qaar kale waxayba ku gacanseyreen in shir dambe dibada loogu qabto Soomaalida.
Haddaba, AKHRISTOW maxay kula tahay? Shirka muxuu keeni karaa? Ma yahay mid haboon xilligan? Aragti noocee ah ayaad u maleynaysaa in shirku wato?..

www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo