|

Xuska Sanadguradii 51aad ee asaaskii Xooga dalka Somaliyeed oo lagu qabtay Garowe

Sanadguradirdii 51aad ee kasoo wareegtay markii la asaasay ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtaya xarunta Taliska guud ee ciidanka Puntland ee 54aad ee ku taal magaalada Garowe.

Munaasbdan laaga xusaayo asaaskii ciidanka xooga dalka Soomaaaliyeed ayaa, waxaa kasoo qayb galya siihayaha Xilka Madaxweynaha Puntland ahan Madaxwayne kuxigeenka Puntland C/samada Cali Shire iyo xubno kmida golaha Wasiirada Puntland.

Munaasabadaan lagu xusaayo sanadguuradii 51aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi ay ciidamda puntland ku sameeyaan gaado ka ciyaar tasoo ay sarkiisha iyo madaxdii kasoo qaybgshay munaasabada ay aad uga riyaaqeen.

Taliyaha ciidamada Qaranka Puntland Gen.Saciid Maxamed Xirsi oo khudbad dheer halkaa kasoo jeediyey ayaa ka waramay ciidamda xooga dalka Soomaaliya asaaskoodii iyo waxa yaabihii ay qabteen intii ay jireen.

Gen.Saciid Dheere ayaa sheeay in ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed la asasaya 1960 markay ahayda bisha April 12keedii iyadoo loo asaasay ciidankaa in ay noqdaan cudada ama xooga dalka Soomaliya, iyadoo ay ciidaanka ay waxyaalo badan aysoo qabteen intii ay jireen.

Taliye Saciid dheere ayaa sidoo kale ka hadlay ciidamda Daraawiishta iyo asaaskoodii iyadoo uu sheegay in ciidamda Daraawiishta la asaasay xiligii Puntland la saasay 1998dii, cutubkii ugu hareeyay ay ahaayeen laba kun iyo shan-baqol oo askari, kadibna intaasi laga kordhiyey. hadan yihiin 12000 soona celin doonaan gobolka maqan

Sareeye gaas.Saciid Maxamed Xirsi ayaa intaa ku daray in ay Ciidamda Daraawiishta ay qabteen waxa badan oo dhinaca amaanka ah, ayna shacabka Puntland ka difaaceen cadow badan.

Madaxwayne Kuxigeenka Puntland Gen .Cabdisamada Cali Shire ayaa isana goobtaa ka hadlay wuxuuna u mahad baalaaran u soo jeediyay ciidamda Puntland, oo goobtaa safnaa. Wuxuuna uga mahada celiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay shacbkooda ay ilaaliyaan, amniga sugaan, dalkooda nafta u huraan.

Munaasaban lagu xusayey Maalinta ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay ruwayado lagu muujinayo ahmiyada ay ciidanka u leeyihiin dhulkood iyo sida ay heegan ugu yihiin in ay dadkood iyo dalkoodaba ay ilaaliyaan

Najiib abshir
buhodlepost
buuhoodle weyne

Fikrad Ka Dhiibo