|

Faroole iyo Shariifka oo Madaxa isla galay kadib markii Puntland,Galmudug iyo Ahlusunah diideen muddo kordhinta Dawladda Labada Shariif

Shirkii wadatashiga dhinacyada Soomaalida uga socday magaalada Nairobi oo maanta galay maalintii labaad ee ugu damnbeysay ayaa doodii waxay ay gashay meel adag
Md.Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Md.C/raxmaan Faroole ayaa lagu waramayaa inay isku qabteen in dib loo eego Muddo kordhintii sadexda sano ahayd ee ay Baarlamaanku Dhawaan Gaareen taasoo keentay in Shariif Xasan ku adkeysto Go’aankii Baarlamaanka uu isku raacay.
Danjire Mhega ayaa warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan inuu ku guul dareystay Xalinta Fikirkaasi isagoo la sheegay in dib looga wada Xaajoon doono kaasoo Md.C/raxmaan Faroole ka Codsaday in si hoose Qodobkaasi ay uga wada hadlaan labada Dhinac
Dooda maanta ayaa ku saabsaneyd in laga hadlo waxa laga yeelayo marka uu dhamaado waqtiga KMG ee dawlada iyo jihada looga dhaqaaqayo, waxaana fikrahadooda arintaasi ka dhiibanayey ka qeybgalayaasha.
Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa ka midoobay in aan wax waqti ah loo kordhin DKMG iyo barlamaanka, waxayna ku baaqeen in marka la gaaro bisha August 2011 la qabto doorasho cusub oo lagu soo dooranayo madaxweynaha, xildhibaano cusub iyo gudoomiyaha barlamaanka.
Hase yeeshee waxaa arintaa gaashaanka ku dhuftay Shariif Xasan iyo xubnihii la socday ee shirka joogay, waxayna arintaasi adkeysay doodii iyadoo loo balamay in dib la isugu soo laabto qeybta dambe ee shirka.
Markii lagu laabtay qeybtii labaad ee shirka ayaa waxaa halkiisii ka sii socday doodii u socotay dhinacyada iyadoo mid waliba uu ki weli ku adkeysanayo mowqifkiisa.
Madaxweynaha Puntland, madaxweynaha Galmudug iyo afhayeenka Ahlu Suna ayaa sheegay inaysan marnaba macquul ahayn in TFG xilka loo kordhiyo haddii wax ay qabanayaana ay horey u qaban lahaayeen iyagoo ku baaqay in booska ay baneeyaan markuu waqtigoodu dhamaado.
Waxaa hadda lasugayaa waxa uu ku soo dhamaan doono shirka oo galabta soo xirmi doona, waxaana xubno ku sugan madasha oo magacooda ka gaabsaday ay noo xaqiijiyeen inay aad u adag tahay in maanta kaliya go’aan lagu gaaro maadaama aragtiyo kala fog la kala qabo isla markaana dhinacna aanu dooneyn inuu kan kale raaco ama u tanaasulo

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo