Madaxweyne Sharif Sheikh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalalka Ethiopia iyo Tarzania
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho una socdaalay Dalalka Ethiopia iyo Tarzania. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca Mudane Abdihakim Mohamud Haji FIQI, Wasiirka maaliyadda Hessien Abdi Halane, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abdulkadir Moallim Nur, Madaxa Protocolka Xafiiska Madaxtooyada Mursal Saney.
Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxey la kulmayaan Prime Minister ka Dalka Ethiopia Melez Zenawi si ay ugala hadlaan arrimo la xiriira sii xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah, iyo arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga Soomaaliya iyo dalalka geeska Africa. Shirkan ayaa daba socda shirkii IGAD ee ka dhacay Addis Ababa dhammaadkii Janaayo oo ay labada mas’uul ba goob joog ka ahaayeen iyo shirkii Wasiirada Difaaca oo uu dhowaan Addis Ababa uga qeybgalay Mudane Abdihakim oo suurto galiyey booqashada maanta.
Booqashadan ayaa la xiriirta booqasho uu Madaxweynahu ku soo kala bixiyey dalal Afrikan ah si uu la tashiyo ula soo sameeyo Madaxda dalalkaas, isla markaana uu ka codsado dalalka Africa sidii loo sii xoojin lahaa dadaaladda nabad illaalinta ee ciidamada Afrika ka wadaan Dalka Soomaaliya. Madaxweynahu waxuu horey safaro la tashiyo ah ku soo maray dalalka Ugandha, Brundi iyo Rwanda. Haddana waxaa lagu wadaa inuu Madaxweynahu booqdo dalalka Ethiopia iyo Tanzania.
Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed ayaa u arka la tashiyada dalalka Afrika ay muhiim u tahay geedi socodka nabadda iyo sii dhameystirka heshiiskii Djibouti. Sidoo kale booqashooyinkan ayaa waxey muujinayaan sida ay Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed uga go’antahay xal u helida sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, isla markaana ay dowladaha Afrikanka ah ay mas’uuliyad isaga saari lahaayeen arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynahu waxuu kaloo warbixinno siin doonaa Madaxda Afrika ee ku aadan xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan xilligan kala guurka ah iyo sida looga bixi karo. Madaxweyne Sharif ayaa aaminsan in loo baahanyahay in hay’adaha Qaranka ay noqdaan kuwo shaqeynaya oo u adeegaya danaha ummadda soomaaliyeed, isla markaana xalka uu ku jiro in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii xilliga kala guurka ah looga bixi lahaa.
- DHAMAA
www.buhodlepost.com