Qodobo Laga soo Saaray Shirkii Wadatashiga Nairobi (Qodobada Heshiiska oo Dhan)
Nairobi (Buhodlepost.com) Waxaa caawa lagu dhawaaqay qodoo dhowr ah oo ka soo baxay shirkii wadatashiga ee dhinacyada Soomaalida uga socday mudada labada maalmood magaalada Nairobi.
Isjiid jiid iyo muran in cabaar ah qaatay ka dib ayaa ka qeybgalayaasha shirka waxay ugu dambeyntii abaare 9:00 fiidnimo ee caawa shaaciyeen qodobo ay sheegeen in la isku afgartay. Kuwaasoo kala ah:-
Wuxuuna heshiiska oo ka koobnaa 7 qodob u qornaa sidan:-
Ka qeybgalayaasha shirka Nairobi- ee kala ah barlamaanka DF, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Suna Wal Jamaaca [ASWJ] waxay isku raaceen qodobada soo socda:-
1) Iyadoo la eegayo baahida loo qabo dhameynta waqtiga KMG ah ee ku xusan axdiga KMG ah, waxay dhinacyadu ku baaqeen in la qabto doorashada madaxweynaha TFG, afhayeenka barlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ka hor intaysan dhamaan mudada KMG oo ku eg bisha August 2011.
2) Mudo kordhinta barlamaanka DF waxaa la soo jeediyey in barlamaanka DF loogu kordhiyo waqtigiisa mudo labo sano ah, tani waxaa loo arkay muhim si loo xaliyo caqabadaha waqtiga KMG ah oo ay ku jirto diyaarinta doorashada qaran.
3) In la adkeeyo amaanka lana laba jibaaro dadaalada wadajirka ee lagula dagaalamayo xagjirnimada- hab siyaasi iyo mid militari labadaba iyo in lala dagaalamo burcad badeednimada, tahriibka dadka, kalluumeysiga sharci darrada iyo sunta lagu aaso xeebaha Soomaaliya.
4) In dib u habeyn lagu sameeyo barlamaanka federaalka KMG iyo in la dardargeliyo dib u heshiisiin lala sameeyo maamul goboleedyada, maamulada deegaanka, bulshada rayidka iyo qurbe joogta si ay uga qeybgalaan dib u habeynta barlamaanka xiga.
5) In hore loo sii ambaqaado diyaarinta dastuur cusub oo federal ah. Waxaa la isla gartay in hawshan ay tahay masuuliyad la wadaago oo u dhexeysa barlamaanka DF, maamul goboleedyada, maamulada deegaanada iyo dadka kale ee go’aanada wax ku leh oo ay ku jirto beesha caalamka.
6) Heshiisyadii hore ee dhexmaray DKMG, maamul goboleedyada Puntland, kuwa deegaanka iyo Ahlu Sunna waa in loo hogaansamaa lana fuliyaa.
7) In la balaariyo kaalmada degdega la geynayo goobaha dhawaan laga saaray kooxaha hubeysan oo ay ku jirto magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, iyo in la kordhiyo gargaarka bani’aadanimo iyo kaalmooyinka horumarinta ee heer federal, maamul goboleed, deegaan iyo heer degmo si loo ifiyo dhibaatada abaarta iyo mackuusha jirta.
www.buhodlepost.com