Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Maleesiya Ayaa Shaaca Ka Qaadey In Haweenka Dalkaasi Ay Kula Kacaan Ragooda Dhago Adeyg La Xiriira Ciyaaraha Sariirta
Mudane ka tirsan baarlamanka wadanka Maleysiya ayaa cabasho ka horjeediyey baarlamanka dalkaasi isagoo shaaca ka qaaday eedeymo ku aadan haweenka isagoo xusey inay kula kacaan ragooda dhago adeyg la xiriira ciyaaraha sariirta wax uuna ku tilmaamay haweenka wadankaasi oo lumiyey masuuliyadooda iyagoo had iyo jeer qiil u dayda diidmada ama dhago adeyga la xiriria dalabka ragooda ee ku aadan iska soo xaadirinta sariirta si gad gadoon ula sameeyaan.
“Raggu marka ay ka yimaadaan shaqooyinkooda guryahooda kuma arkaan wax ay jeclaystaan oo la xiriira horumarinta rabitaankooda galmo iyagoo la kulma muran kaga imaanaya xaasaskooda” ayuu yiri Mr Cali.
Mr Ali wuxuu Baarlamanka dhexdiisa ka sheegay in loo baahan yahay in haweenka ku dhaqmaan shareecada Islaamka, isla markaana ay u dhago nuglaadaan ragooda oo ay waliba adeecaan dalabaadkooda.
“Marka ay imaadaan guryaha xaasaskooda, haweenkoodu waxay dhahaan “ Isug”, “Wax ayaan karinayaa”, isii sug waxaan soo booqanayaa reerkeena” iyo ereyo kale oo fara badan ayay la kulmaan ragu xiliga ay laabta uga guuxayaan inay xaasaskooda la macaamilaan” ayuu ku qayliyey Ibraahim Cali.
Mudanahan oo madax u ah xisbi garabka midig ah oo si aad ugu ololeeya xuquuqda qowmiyda Maleyga ee dalkaasi wuxuu u soo jeediyey dalwada wadanka Maleysiya inay qaado talaabooyin haweenka lagu barayo masuuliyadooda la xiriirta xuquuqda xaasnimo
ciise ahmed soofe
kualalumpur
malaysia