C/llaahi Yuusuf: “Aniga Shariif Xasan nin iiga aqoon badan ma jiro, wuxuuna doonayaa wax bersonal ah ee ma wado dan Qaran
Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku nool wadanka Yeman ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladeed siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasi oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya, wuxuuna ruug cadaaga siyaasadeed ee C/llaahi Yuusuf uu ku tilmaamay shirkaasi inuu qeyb ka yahay howlihii socday oo uu isaga qudhiisa isku casilay.
Waxa uu sheegay madaxweynihii hore ee Dowladdii TFG-da in shirka Nairobi loogu qabtay maamulada Soomaalida uu qeyb ka yahay ololaha lagu burburinayo qaranimada wadanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wafdiga Baarlamaanka ka socda ee uu hoggaaminayo Shariif Xasan kana qeyb galay shirkaasi haddii Baarlamaanka u diray uu Golaha soo hordhigo wixii uu kala soo kulmay.
Ruug cadaaga siyaasadeed waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo wafdiga Xildhibaanada ah ee ka qeyb galay shirkaasi aanay wax kalsooni ah ka heysan golayaasha xukuumada, isla markaana sharcigu dhigayo in wafdiga Baarlamaaniga ah uu ku baxayo saxiixa iyo ogolaanshaha Madaxweynaha, sidaas daraadeedna ay muuqato inuu hareer maray sharciga xukuumada, wuxuuna sheegay C/llaahi Yuusuf in wax sharci darro ah aan lagu maamuli karin dadka iyo dalka.
“Aniga Shariif Xasan nin iiga aqoon badan ma jiro, wuxuuna doonayaa wax bersonal ah ee ma wado dan Qaran” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG ah oo sheegay in Shariif Xasan horay loogu sameeyay ballanqaadyo aanu cadeynin waxa ay yihiin iyo cida u ballanqaaday.
Dhinaca kale waxa uu sheegay C/llaahi Yuusuf in dadka reer Puntland aanay quseynin qof shaqsi ah dan uu wato, taasi oo loo fasiran karo wafdiga Madaxweyne Faroole inuusan matalin Puntland, wuxuuna sheegay in xilligii uu Madaxweynaha ahaa ay jireen wadamo iyo hay’ado shisheeye oo ku howlanaa in Soomaaliya aanay marnaba cagaheeda isku taagin.
“Soomaali intay isu tagto iyadoo heshiis ah horta argagixisada dalkeeda haka saarto kaddibna ha isugu timaado Dowlad ay ku mideysan tahay” ayuu yiri ruug cadaaga siyaasadeed oo isagu si weyn ula socda dhaqdhaqaaqyada wadanka ka socda, wuxuuna ka gaabsaday inuu magacaabo wadamada iyo kooxaha caqabada ku ah qaranimada dalka Soomaaliya iyo inuu ka dhasho nidaam dowli ah oo dib u soo celiya sharciga iyo kala dambeynta.
www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com