|

Xukuumada Soomaaliya oo Dalbatay in Maamulka Hawada Sare Lagu soo Wareejiyo (Warbixin

Tobanaan Milyan oo doolar ayaa ka soo xaroota diyaaradaha mara hawada sare ee Soomaaliya, dhaqaalahaasi wuxuu gacanta u galaa UN, xilli garoomadii dalka ay burbursan yihiin xagee ayey gashaa lacagtaasi?……”

Xarunta La Socodka Hawada Soomaaliya ee ICAO ku Leedahay Nairobi.

Muqdisho (buhodlepost) Tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa dagaalka Soomaalida dhexdeeda ka sokow boob lagu hayey wax kasta oo hantidii dalka ka mid ahaa. Intii ay Soomaalidu ku mashquulsaneyd isleynta dhexdeeda iyo magaalo ka qabsashada dhinaca kale waxaa ku socday boob ay ku hayeen ururo iyo dawlado shisheeye kuwaasoo illaa xilligan weli ku faraxsan inaan dalku wax dawlad ah helin si uu ugu sii socdo dhaqaalaha ay ku helaan dhibaatada Soomaaliya.

Waxaana hantida illaa hadda maqan ee uu qaranku leeyahay ka mid ah hawadii Soomaaliyeed oo maamulkeeda tan iyo 1996 ay heysato hay’ad fadhigeedu yahay Nairobi taasoo hoostagta Qaramada Midoobay, isla qaadata wax kasta oo dhaqaale ah oo ka soo gala diyaaradaha habeen iyo maalin mara hawada dalka ee u kala goosha qaaradaha adduunka.

Xukuumada KMG Soomaaliya ee uu raysul wasaaraha ka yahay Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u dalabatay in UN-ka ay ku soo wareejiyaan maamulka hawada sare ee Soomaaliya oo hadda dhaqaalaha ka yimaada uu gacanta u galo Qaramada Midoobay, sida uu soo qoray wargeyska New York Times.

Raysul wasaare Farmaajo ayaa u gudbiyey masuuliyiinta UN-ka in xukuumada Soomaaliya ay masuul ka tahay hawada dalkeeda sidaa darteed wixii hadda ka dambeeya ay iska soo wareejiyaan maamulka hawada.

“Waa dhab waan u dacwooneynaa maamulka hawadeena, waana arin fudud waayo Soomaaliya waa dal madax bannaan”, ayuu wargeyska ka soo xigtay Raysul Wasaare Farmaajo.

Raysul wasaaruhu wuxuu sheegay in DKMG ay codsi u dirtay saraakiisha UN gaar ahaan hay’ada hadda maamusha hawada sare ee la yiraahdo “International Civil Aviation Organization” taasoo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Raysul wasaaruhu wuxuu sheegtay in dawlada dalka ay masuul ka tahay wax kasta oo khuseeya qaranimadeeda sidaasi awgeedna wixii hadda ka dambeeya waa in UN-ka iska wareejiyaan maamulka hawada dalkeena.

Warar kala ayaa sheegaya in arintan ay dood ka keeneen saraakiil ka tirsan hay’ada International Civil Aviation Organization oo iyagu u macaansaday lacagaha malaayinka doolar ah ee ka soo gala “hawada aan cidna kula sheegan” ee Soomaaliya.

Sida cad saraakiisha UN-ka waxay ku marmarsiiyoodeen inaysan Soomaaliya hadda ka jirin dawlad rasmi ah sidaasi awgeedna aan lagu aamini karin maamulka hawada dalkooda.

“Haddii xitaa aad dooneyso in laguugu wareejiyo maamulida hawada sare waa inaad heysata dhamaan tasiilaadkii oo aad diyaarisaa”, sidaasi waxaa wargeyska ka soo xigtay Denis Chagnon oo ah afhayeenka International Civil Aviation Organization oo ah hay’ada maamusha hawada Soomaaliya tan iyo 1996-kii.

“Waa aas aasi arinta badbaadada diyaaradaha iyo amaanka guud”, ayuu hadalkiisa sii raaciyey afhayeenkaasi u hadlay hay’ada.

Sidoo kale saraakiil kale oo ka tirsan UN-ka ayaa waxay ku doodeen in Soomaaliya ay xilligan ka jirto DKMG ah taasina aan waxba lagu wareejin karin iyagoo sababta ku sheegay in loo baahan yahay dawlad dhexe oo rasmi ah.

“Dawlada KMG Soomaaliya wax kasta way isbedelayaan shaqaalaha xitaa isbedelaya waa waxa aan xalka u raadineyno arinta KMG ah”, ayuu yiri Alvaro Rodriquez oo sida uu sheegtay ka soo shaqeeyey Soomaaliya.

International Civil Aviation Organization [ICAO] iyo maamula hawada dalka

Mudo 15 sano ah ayey UN-ku maamulaan hawada Soomaaliya, waxaana uga wakiil ah hay’ada lagu magacaabo International Civil Aviation Organization ICAO. Hay’adaani waxay xafiisyadeeda ku yaalaan Nairobi halkaasoo si dhib yar ay ugala socdaan dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ganacsiga ee dul mara Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa u kala goosha dunida inteeda kale iyo kuwa kusoo jeeda dalka gudihiisa.

Hay’adan waxaa hadda gudoomiye u ah Raymond Binjamin oo haysta dhalashada Faransiiska. Hay’ada ICOA waxay shaqaaleysiisay dad aan Soomaali ahayn, kuwaasaoo mushahar fara badan ay ku siiso hawsha ilaalinta hawada Soomaaliya, kumana jiraan dad Soomaaliyeed.

International Civil Aviation Organization [ICAO] ma jirto garoon ay dayactirto iyo hawl ay u qabato dadka Soomaaliyeed, waxayna mudo 15 sano ah si xisaab la’aan ah ku heshaa dhaqaale dadkii lahaa ay gaajo u le’anayaan.

Yaa u Dhiibay Hay’ada ICAO maamulka Hawada Soomaaliya?


Fiiri Garoonka Xamar
Waxaa muhim ah in la isweydiiyo qaabka ay hay’adan ku soo gashay meesha ee ay sida degdega ah ugula wareegtay maamulka hawada sare ee Soomaaliya.

Ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya Sanadihii 1990-meeyadii ayaa dalka Soomaaliya waxaa soo galay ciidamo caalami ah oo ku hawlgalayey magaca UNISOM kuwaasoo u yimid hawgalkii loogu magac daray rajo soo celinta ‘Restore hope mission’ kaasoo ay horboodayeen ciidamadii Mareykanka. Hawlgalka UNISOM wuxuu markaasi si ku meel gaar ah ula wareegay garoomadii iyo dekedahii dalka oo dhan si ay dalka u xasliyaan. Hay’ada ICAO oo ka mid ahayd hay’adaha hoostaga UN ayaa iyana qaadatay hawshii hawada sare ee Soomaaliya ‘Somalia airspace” iyadoo xafiiskeedii ugu horeeyey ka furatay Muqdisho.

Markii uu haddaba fashilmay hawlgalkii UNISOM ayna dalka ka bexeen 1995, waxay hay’ada ICAO u guurtay Nairobi si ay halkaasi hawsha uga sii wado. Dabcan si dhaqaalaha ay ka gurato hawada Soomaaliya uu ugu sii socdo. Mana jirto cid Soomaali ah oo illaa waagaas wax talo ah laga weydiiyey arinta maamulkja hawada Soomaaliya iyo dhaqaalaha ka yimaada.

Lacagta ka soo Xeroota Hawada Soomaaliya waa Imisa?

Warbixinta New York Times waxay ku qiyastay tobanaan milyan oo doolar “Tens of Millions of Dollars” balse New York Times waxay sheegtay intii loo sheegay ee kaliya, waxaana xaqiiqo ah inay ka badan tahay lacagta ka timaada hawada Soomaaliya.

Qiyaas ahaan maalinkii waxaa hawada Soomaaliya soo gala 90 duulimaad oo isugu jira kuwo gudaha dalka ku daga iyo kuwo caalami ah.

Diyaaradaha maalin walba hawada Soomaaliya mara ee aan ka maarmin waxaa ka mid ah kuwo caan ka ah adduunka sida:-

- Diyaarada Air France (from Paris to Réunion) – waa maalinle
-Diyaarada Emirates (from Dubai to Johannesburg) – waa maalinle
- Diyaarada El Al (from Tel Aviv to Thailand) – waa maalinle

Halkii duulimaad waxaa laga qaadaa lacag gaareysa $275. (sidaasi awgeed $275×90 duulimaad waa $ 24, 750). Lacagtaasi oo illaa hadda aaney hay’ada ICAO meelna ku sheegi karin.

Dawladii Soomaaliya ee xilligii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxaa hawada Soomaaliya ka soo xaroon jiray lacag gaareysa $4 milyan sanadkiiba (sida ku xusan dukumintiyadii hay’ada duuliimadka Soomaaliya, waxaana sidaasi noo sheegay saraakiishii hore ee duulimaadyada dalka ka shaqeyn jiray).

Dhaqaalaha ka soo Xerooda Hawada Soomaaliya iyo Halkuu Maraa?

Fiiri Garoonka Boosaaso
Warbixino fara badan ayaa ka soo baxaya qaabka foosha xun ee dhaqaalahan loo maareeyo, mana jirto xitaa nus doolar dalka dib ugu laabta. Wuixuuna dhaqaalahan ku kala baxaa sida soo socota:-

1- Kirada guryaha, xafiisyada iyo baabuurta qaaliga ah ee International Civil Aviation Organization ka kireysatay Nairobi.
2- Shaqaalaha ajaaniibta ah ee uga shaqeeya xafiisyadeeda Kenya iyo meelaha kale.
3- Saraakiil QM ka tirsan waxay si hoose u carabaabeen in dhaqaalaha ku baxa UN-ka xafiisyadiisa Nairobi laga helo hawada Soomaaliya.
4-Qeyb badan oo lacagta ah ma xisaabna, waxayna ku maqan tahay madaxda hay’ada oo hadba kii ka ka dherga shaqada isaga tago mid kalana lagu soo bedelo.

Waxaa intaa dheer in mudada 15 sano inaysan jirin wax la xisaabtan oo lala yeeshay hay’ada ICAO iyo cid weydiisay halkay dhaqaalaha marsio midna.

Capt. Maxamuud Sheekh Cali oo ah agaasimaha guud ee waaxda duulista hawada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay in UN-ka ay xadaan dhaqaalaha ka soo xerooda diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya. Wuxuuna Captain Maxamuud ugu baaqay dawlada iyo dadka Soomaaluiyeed ee aqoonta leh inay arintaasi uu kacaan sidii wax looga qaban lahaa.

FIIRO GAAR AH: Maxamud Sheekh Cali oo ahaa duuliyii diyaaradii MIG ee ciidanka Soomaaliya ee sanadihii toddobatameeyadii sida kediska ugu degtay xeebta Muqdisho markii uu shidaalku ka go’ay.

Raysul wasaare Farmaajo wuxuu sheegay inuusan jirin hal garoon oo Soomaaliya loo dhisay iyo mid loo dayactiray mudada intaas la eg. Masuuliyiinta hay’ada ICAO kuma doodi karaan dad Soomaaliyeed baan dhaqaale siinay waayo maba ay jirin cid illaa waqtigan arimahaas ugu tagtay.

Waxaa iyana la yaab leh hadal uu wargeyska New York Times ka soo xigtay diblomaasi reer Galbeed ah magaciisa qariyey inuu yiri “Soomaalida waxay doonayaan wax xoogaa lacxag ah [pocket money] haddii ay helaana way iska tagayaan” isagoo dooda DKMG ah ku micneeyey mid lacag doon ah!!!.

Dacwadan goormay Bilaabatay?

Kaliya ma ahan xukuuma Raysul wasaare Farmaajo, hase yeeshee waxaa jira waraaq sidoo kale ay gudbisy xukuumadii raysul wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo uu kaga dalbaday UN-ka inay dawlada Soomaaliya ku soo wareejiyaan maamulka hawada sare ee dalka.

Dacwadan ayaa noqoneysa dooda labaad ee ay furtay xukuumada raysul wasaare Farmaajo, waxayna doodan ku soo beegmeysaa xilli Dawlad Soomaaliya ay gilgishay qawleysatada UN-ka ee ku qaraabta magaca Soomaaliyeed kadib markii dawladu ugu baaqay hay’adaha UN-ka ee ku dooda wax u qabashada Soomaaliya inay yimaadaan Muqdisho haddii kale ay faraha kala baxaan arimaha Soomaaliya

www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo