|

Afhayeen u hadlay kooxda Shangale oo sheegay inay cayaartooda wax kasoo badalayan kulamada danbe ee cayaraha Gobolada SSC

Afhayeen u hadlay kooxda kubada Cagta ee Shangale ayaa wacad ku maray inay wax badan ka badalayaan hab cayaareed koodii hore, Afhayenkan oo aad uga cadhaysnaa guushii ay kala hoyatay kooxda Saaxdheer kulan cayaareedkii ugu danbeeyey ee todobaadkan dhex maray labada kooxood kaasoo 5-1, kadib markii si khayaamo iyo xeelad ku jirto loo soo habeeyey cayaarta Kooxda Saaxdheer halkasoo ay la soo safteen cayaartooy aan hore loogu talo galin.

afhayeenka kooxda shangale oo an wax ka waydiinay qaabka ay wax uga badalayaan kooxda Shangale ayaa ku gaabsaday inay dib u habayn ku samayn doonan Kooxda.

Dhanka kale afhayaanka Kooxda Shangale wuxuu si cad u sheegay inay jiraan cayaartooy qiimo jaban lagaga iibsaday oo ka soo jeeda magaalada Shangale
kuwaas oo u cayaara Kooxda Saaxdheer, hadaba si an u xaqiijino hadalka Afhayaanka Kooxda Shangale iyo eedaynta u usoo jeediyey Kooxda Saaxdheer inay
khayaamo iyo gacan Dhaaf ku hayso kooxda Shangale waxan Xidhidh la samaynay Kabtanka Kooxda Saaxdheer waxana wax ka waydiinay inay jiraan Cayaartoyda calooshooda u shaqaysteyasha ah ee kasoo jeeda deegaanka Shangale inay u cayaraan Kooxdooda Saaxdheer Kabtanka ayaa ku gabsaday inay mudo badanba gacanta ku hayeen dadkaa calooshooda u shaqaystayasha ah qaarna ayba ku nafwaayeen Garoomada kooxda Saaxdheer kulamo dhex maray kooxo kale iyo Kooxda saaxdheer kuwasoo ka dhacay deegaanka Xidhxidh iyo Laascaanodoba, hadaba waxaa arintaa walaac weyn ka muujiyey Kooxaha kale ee Gobolada SSC kuwasoo sheegay inay khatarteeda leedahay Siyaasada Kooxda Saaxdheer kooxaha kale ah Yagoori Xudun Boocame WidhWIDH Taleex ayaa aad uga feejigan in laga xado cayaartooda uga dheesha garoomada cayaaraha.
waxaan wali la sadaalin karin kooxda la hoyan doonta guusha koobka SSC CUP oo wali lagu hardamayo balse waxan la dhayal san karin tabaha iyo xeeladaha Kooxda Saaxdheer adeegsanayso inkastoo kooxaha Yagoori iyo Xuduna ay ku naloolamayaan difaacooda oo ah goobada birta ah oo an losoo dhawaan karin.

Fikrad Ka Dhiibo