Ciyaartii Todobaadka Saaxdheer 5 Shangale 1
Tartankii ciyaraha Degmooyinka Gobolada Cayn , Sanaag iyo Sool (CSS) ee beryahan socdey ayaa waxaa dheeshii ugu danbeysey isugu soo baxay, maalintii Sabtida ee bisha April ahayd 9ka, Degaamada Saaxdheer iyo Shangalle. Ciyaartaas oo aan habka farsamada loo sinnayn, dhinaca orodkuna aanu dheeli-tirnayn, waxaa daqiiqadihii horeba la liqsiiyey laba gool, oo is daba jooga, kooxda Shangalle. Intii aan ciyaarta nuskeedii hore kala badh gaadhin waxaa isla kooxda Shangalle loogu daray gool kale, oo inta laga soo laaday geeska, uu ku madaxeeyey goolkoodii cayaryahan u dheelayey difaaca kooxda Shangalle. Ciyartiina waxaa nasashadii loo dareeray iyadoo ah sadex iyo eber ay ku hogaaminayaan kooxda Saaxdheer. Cayaarta markii la isugu soo noqday nuskii labaad, waxaa markiiba warqadda cas la siiyey, lagana eryey gegida ciyaarta, labadii weeraryahan ee ugu caaan sanaa kooxda Shangalle, waa soofe iyo suudi, oo xanaaq iyo huruuf la dhex gallay kooxdoodii, iyagoo qaadan waayey goolasha lagu hogaaminayo oo ay iyagu isku dhaliyeen. Waxaa kale oo ciyaarta Shangalle wiiqay maqnaanshaha Kabtankoodii, ciyaryahan Camey, oo isaga loo diiday inoo gegida soo galo, loogana joojiyey ka qayb galka ciyaarta sabab aan ilaa hadda la shaacin.
Ciyaarta nuskeedii danbe wax badani iskama bedelin dhinicii weerarka iyo difaaca, balse waxaa laba gool oo danbe dhaliyey kooxda Saaxdheer, oo mid ka mid ah uu dhaliyey -Cabdiraxmaan,oo ahaa goolka keliya ay kooxda Saaxdheer ay iyagu dhaliyeen, kan kalase sidii horeba ay u dhacday, ayaa waxaa isku dhaliyey kooxda Shangalle. Ciyaaryahan Darwiish, oo dhexda uga ciyaara kooxada Shangalle ayaa daqiiqadii 87aad dhaliyey goolka keliya ay la yimaadeen kooxda Shangalle, sidaasna waxay ciyaartii kusoo gabagabowdey ” Saaxdheer 5 – Shangalle 1″.
Ciyaartaas oo lagu qabtay SouthHall, waxaa si faraxad leh uga dareeray Kooxda Saaxdheer, halka maamulihii iyo tababarihii Shangalle saxaafaddu waraysyo iyo su’aalo isla hortaageen, iyagoo weydiinaya sababta keentay in Kooxdoodii si sahlan looga kor boodo. Maamulaha Shangalle ayaa wuxuu wariye-yaasha u sheegay in muddo aad u dheer ay jireen ciyaar-yahano ka tirsan kooxdiisa oo si dadban oo qarsoodi ah loogu soo tababari jirey Degaanka Xidhxidh, iyadoo ujeedada laga lahaana ay ahayd in si sahlan loo kala furfuro kooxda Shangalle. Maamuluhu wuxuu intaa ku daray inay jirtey kharash iyo awood la geliyey, loona kala hadhin, sidii karaamada looga qaadi lahaa kooxda Shangalle. Maamulaha mar wax lga weydiiyey inuu wax talo ah u hayo sidii uu kooxdiisa uga badbaadin lahaa burbur mar kale ku dhaca, wuxuu ku jawaabey “Haa – waxaa si joogto ah saldhig looga furayaa Daaqleyda Kalshaale, iyadoo aanu ciyaaraha ka qayb geli doonin qof aan soo marin godankaas”.! Maamuluhu wuxuu intaa ku daray in ciyaartowdiisa aan loogu soo talo geli doonin habacsanaanta iyo ujeedo la’aanta maanta lagu arkay, wuxuu hadalkiisii ku dhameeyey “Berrito ma foga, waxa inaga xigaana waa hal sano iyo ciyaar danbe”. Sidoo kale waxaa tababaraha kooxdu ciyaartowgiisii ku dhaleeceeyey in ay iloobeen in ninkii aad awrkiisa u rartaa uu kaa rabo inaad u furtid, taasina waa ii addeeg qarsoon iyo taada ha eegin.
Ciyaartaas oo uu Garsoore ka ahaa aqoonyahanka Guud, waxaa muuqatey inuu maalintaas si dheeli-tiran u xaqsoorayey, in kastoo dadka qaarkii ay qabaan dareenka ah inuu wax ka ogaa ama ka qayb galay hawlgalka lagu duufsanayey ciyaar yahanada Shangalle. Waxaase hadda soo shaac baxaya in falalka noocaas ah aanay hadda bilaabmin, balse ay jiraan tiro badan oo ciyaaraha ka fadhiistay, hawlgabna ah, oo loola yimid , waayo hore, in si qarsoodi ah loo geeyo Xidhxidh iyagoo loo ballan qaaday inay wax tar iyo isu soo dhowaansho u noqon doonto labada degaan. Ragaasi waxay sheegeen inay u muuqatay aragti taa ka gedisan oo ah ” Aniga i qurxi inkastoo adigu aad qaawantahay”!